afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:17 pm | Posted by cabdirashiid cali

Warar Dheerarad Ah oo anu ka helanay qarixii caawa ee ka dhacay xafada islii

Laba qaraxyo ayaa waxay goor dhaw ka dhaceen aafafkahore ee Masaajidka Al Amiin ee Wadada Juja, oo dacalka ku haaya Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
Qaraxyada oo u muuqdo kuwo loo adeegsadaybambooyinka nooca laga tuuro, ayaa waxay ka dhaceen aafafka hore ee Masaajidka Al Amiin, iyadoo ay jiraankhasaarooyin ka dhashay.
Ma cadda in qaraxaan loola dan lahaa Masaajidka Al Amiin iyo in kale, laakiin Masaajidka Al Amiin ayaa waxaa ku dhaw Kaniisad ku taala Wadada Juja ee Magaalada Nairobi.
Wararka xilligaan laga helaayo khasaaraha ka dhashay labadaan qaraxyo, ayaa waxay sheegayaan inay dhaawacmeyn laba ruux oo rayid ah, waxaana suura gal ah in khasaaruhu uu intaasi ka sii bato.
Gabadh yar ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay labada ruux ee sida horudhacaah loo helaayo inay ku dhaawcmeyn qaraxyadaan, waxaana lagula cararay Xaruumaha Caafimaadka ee Magaalada Nairobi.
Dad fara badan oo ka agdhawaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen, ayaa waxaa la sheegay inay ku kala yaaceen, sababo la xiriira si’aysan hadhow u qab qaban Ciidamada Dowladda Kenya.
Laba habeen kahor ayay ahayd markiiseddex qaraxyo lagu weeraray Baar ku yaala Dhismaha Buffalo ee Xaafada Islii, kaasoo ku yaala dhabarka dambe ee Masaajidka Al Hidaaya.

Abdirashiid ali
shabakada wararka afbakayle.com
Xafiiska/ kamapala
email:abdirashiid_akhyaar@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM