Daawo Sawirada Police-ka Soomaaliyeed oo Maanta soo bandhigay Gaardo ka ciyaar iyo dhoola tus Cajiib ah
Waxaa maanta Muqdisho gaar ahaan dugsiga tababarka Police-ka Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee degmada Xamar Jajab lagua qabtay Munaasabad aad u balaaran oo ay ka qeayab galeen madaxda dalka.
Munaasabadaan waxaa lagu xusayay sanad guuradii 69-aad ee dhidiba u taagida Policeaa-ka Soomaaliya ooa la’aasaasay 1943-dii.
Munaasabadaasi madaxdii ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka , Gaashaandhigga , Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ,Ganacsiga iyo Warshadaha , C/kariin Xuseen guuleed, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, C/laahi Ciilmooge Xirsi, iyo Maxamuud Axmed Xasan.
waxaa iyana xaadir ku ahaa munaasabadda taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka, Booliiska iyo Nabad Sugidda ,Gudoomiyaha gobolka Banaadir, gudoomiyeyaasha degmooyinka,iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Dhoolatus iyo fantisiyo loogu talagalay weyneynta maalintaan qaaliga ku ah bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay barxadda weyn ee General Kaahiye.
Munaasabadda maanta ayaa waxa ay ku soo aaday xilli dowlada Soomaaliya ay gacanta kuheyso guud ahaa xarumaha gopbalda dalka oo dhan.




































subxaan waar meesha wax laguma hayee kasaara , waa maryo calas iga walee qaab askareedba malaha xataa ceebeey tacaal .,,,,,,,,,,,,
afduubtiibaa xataa kujirtee kkkkkkkkkkk alshabaab yacnii