Zenit v Liverpool, Sparta Prague v Chelsea – Isku Aadka Europa League ee 32da Iyo 16ka Oo La Qabtay.
Isku aadka Europa League ee wareega 32da iyo 16ka ayaa maanta la qabtay, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh.
Kooxda shanta jeer ku guuleysatay Champions League ee Liverpool ayaa wajihi doona wareega 32da ee Europa League kooxda Ruushka ee Zenit.
Kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea oo ku soo hartay wareega group-yada ee koobkaas ayaa waxa ay wareega 32da ee Champions League la ciyaari doontaa Sparta Prague.
Kulan xiiso leh ayaa sidoo kale wareega 32da dhexmari doona kooxaha Jarmalka iyo Portugal ee Bayer Leverkusen iyo Benfica.
Kulan kale oo xiiso leh waxa uu wareega 32da dhexmari doonaa kooxaha Tottenham iyo Lyon.
Newcastle oo 2004tii semi-final ka gaartay UEFA Cup ayaa waxa ay wareega 32da Europa League is arki doonaan Metaltis Kharkiv.
Kooxda difaacaneysa koobkaan Europa League ee Atletico Madrid ayaa wajihi doonta FC Rubin Kazan.
Kooxda martigelinaysa finalka koobkaan ee Ajax ayaa waxa ay qaabili doontaa wareega 32da kooxda Steua Buchresti.
Isku Aadka Wareega 32da:
BATE Borisov v Fenerbahce
Inter Milan v CFR Cluj
Levante v Olympiakos
Zenit v Liverpool FC
Dynamo Kiev v Fc Bordeaux
Bayer Leverkusen v Benfica
Newcastle v Metalist Kharkiv
Stuttgart v KRC Genk
Atletico Madrid v Rubin Kazan
Ajax Amsderdam v Steua Buchresti
FC Basel v Dnipro
Anji Makhachkala v Hannover
Sparta Praha v Chelsea FC
Brossia Monchengladbach v SS Lazio
Tottenham v Lyon
Napoli v Viktoria Plzen.
Lugta hore ee wareega 32da waxaa la ciyaarayaa 14ka Febraayo 2013, halka lugta labaad la ciyaari doono 21ka Febraayo 2013.
Isku aadka wareega 16ka kulamada xiisaha leh ee ka soo bixi kara waxaa ka mid ah kulanka dhexmaraya kooxdii soo badisa Lyon iyo Tottenham oo ku dhici doona kooxdii soo badisa Inter Milan v Cluj.
Ajax ayaa iyagana macquul ay tahay inay wareega 16ka isku arkaan Chelsea waa hadii labada kooxood ay soo badiyeen wareega 32da.
Isku aadka wareega 16ka ee Europa League:
Napoli ama Vitktoria Plzen v BATE Borisov ama Fenerbahce
Bayer Leverkusen ama Benfica v Dynamo Kiev ama Bordeaux
Anzhi Makhachkala ama Hannover 96 v Newcastle ama Metalist Kharkiv
Tottenham ama Olympique Lyonnais v Inter ama CFR Cluj
Levante ama Olympiakos v Atletico Madrid ama Rubin Kazan
Basel ama Dnipro Dnipropetrovsk v Zenit St Petersburg ama Liverpool
Ajax ama Steaua Bucharest v Sparta Praha ama Chelsea.
Finalka Europa League ayaa sannadkan waxaa lagu qaban doonaa 15ka May 2013 Amsderdam, Holland
abdirashiid ali
shabakada wararka afbakayle.com
email:abdirshiid_akhyaar.com
