afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:48 pm | Posted by

Aboorka (Termite) waxaa lagu sahamin karaa Dahabka dhulka Hoostiisa ku jira. Warbixin Layaableh

termiteAboorka ayaa noqday cayayaan laga helo faa`iido aad u badan ka dib markii darasad la sameeyey la ogaadey inuu ka horeeyo qalabka lagu sahamiyo dahabka, oo isaga laf ahaantiisa loo adeegsan karo sahan siiba qaaradda Afrika.

Waaxda Daraasada iyo horumarinta wershedaha ee dalka Ustareeliya ayaa soo bandhigtay daraasad ay dalkeeda ku samaysay iyagoo baadhitaan ku sameeyey dhismaha aqalada aboorku dhisto(Dundumo), oo qaar badan oo ka mid ah laga helay dahab.

Dr. Aaron Stewart oo ka war bixinaayey daraasadan ay sameyeen ayaa sheegay in ay aad u anfacayso wadanka Ustareeliya talaabadan la helay, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Lakabyada sare ee dhulkani waa kuwo isbedela oo qariya raadadkii loo raaci lahaa macdanaha hase yeeshee hada waxaanu helay daahfur” isagoo ula jeeda Aboorka.

Dr. Stewart waxa uu aad ugu dheeraaday daraasadan meelaha ay midhadhalka badan ka keenay saa inay tahay qaaradda Africa oo uu sheegay inay Qudhaanjada Cad ama Aboorku uu aad ugu badan yahay kana dhiso guryo aad u dhaadheer (Dundumooyin)

Talaabadan ayaa dad badan gelin karta Khatar maadaama ay jiraan dhibaatooyin xoogleh oo dhinaca caafimaadka ah oo ku kaydsan dundumooyinka hadaan la adeegsan qalabka hawada kaydiya.

Seynab Cabdi Warsame

xidigta6@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Aboorka (Termite) waxaa lagu sahamin karaa Dahabka dhulka Hoostiisa ku jira. Warbixin Layaableh”

  1. sayid axmed
    December 23, 2012 - 11:20 am

    aqoon cusub oo la helay dheh

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM