afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:34 am | Posted by

Kooxda Hillaal Oo Qaadey Koobkii Kubada Cagta Ee Ay Dhigtey Shirkada 571(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada buuhoodle lagu soo gabagabeeyay tartan ciyaareed kubada cagta oo uga socdey garoonka xabado kooxaha kubada cagta degmada buuhoodle koobkan oo ay dhigtey shirkada 571 ayaa waxaa ciyaarey 6 kooxood oo ka mida kooxaha kubada cagta ee degmada buuhoodle.

Hadda waxaa maanta ciyaartii ka madanbeysta isugu yimi labada kooxood ee lagu kala magacaabo FC Hillaal Vs FC Darwiish waxaana ay ciyaartani ay ahayd mid aad u xiiso badan oo laga dareemay garoonka sida ay ugu soo xaadireen taageerayasha labada kooxod oo soo buux dhaafiyay garoonka qaylo iyo sawaxan badan oo laga dareemayay garoonka.

Ciyaartan oo aad u kululeyd ayaa waxaa wareegii hore ee ciyaarta gool ku hormartey kooxda hillaal waxaana goolkaasi dhaliyey Ciyaaryahanka dhexda uga ciyaara kooxda hilaal oo lagu magacaabo Suugo,isla wareegii koowaad ee ciyaarta ayaa waxaa ay kooxda daraawiish keensatey gool,goolkaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka baalaha uga ciyaara daraawiish ee lagu magacaabo Maxamed Xuseen cawil.

Wareegii hore ee ciyaarta ayaa waxaa uu ku dhamaadey 1-1 halka uu wareegii labaadna uu ku dhamaadey isla 1-1 kii ka dibna waxaa lagu kala saarey riigoorayaal waxayna guushu ku raacdey kooxda FC.Hilaal koobkiina lagu gudoonsiiyey kooxdaasi halka kooxda daraawiishna ay iyana gashay kaalinta labaad ee koobka.

6

5

4

3

2

1

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Kooxda Hillaal Oo Qaadey Koobkii Kubada Cagta Ee Ay Dhigtey Shirkada 571(Sawiro)”

  1. Abdirisaaq bire
    December 25, 2012 - 6:45 pm

    Halkan waxan ka salaamayaa asxaabta kubada cagta ee buuhoodle because anigu waxan ahay ninka wali score ka goala sha ee buuhoodle uxidhan tahay walina an laga jabin score kii an xidhay 2004 ee ahaa 6 goal in one game?? Anigoo uciyaarayay kooxdii la oran jiray somtel anigoo ah abdirisaaq bire

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM