Garoowe;-Nabadoono Badan Oo Caawa Ciidamada Faroole ay Hoteelada Kala Baxeen..
- Afbakayle.com
Waxaa daqiiqado ka hor oo caawa ah magaalada Garoowe hoteeladii ay deganaayeen lagala baxay Afar nabadoon, kadib markii ciidamo aad u hubaysani ay xoog kula baxeen, iyadoo aan war loo heyn halka odayaasha loo kaxeystay.
Nabadoonada Caawa hooteelada lagala Baxay Waxay kala yihiin.
1. Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa Nabadoonadii ka yimi Gobolka Mudug
2. Nabadoon: Sahal Cabdisalaan oo kasoo jeeda Gobolka Bari
3. Nabadoon Maxamed Maxamuud Shirwac oo kasoo jeeda Gobolka Bari.
4. Nabadoon Cabdilaaahi Maxamed Afcase (Shoombe) oo kasoo jeeda Gobolka Bari.
Waxay kaloo jiray nabadoon Siciid axmed Muuse oo isagu oo ka mid ahaa nabadoonadii gobolka bari laakiin markii nabadoonada la qabaanyey casho ku maqnaa sidaas ayuu kaga badbaaday qafaalka ka socda Garoowe Caawa .
Wararku Waxay sheegayaan in aan la garanayn Meesha la la aaday Nabadoonada.
Shirka wada-tashiga oo maanta Garoowe ka furmay ayaa socday ilaa casarkii, galabta, iyadoo laba mar maamulka gobolka iyo ciidamo gaar ah ay shirka carqaladeeyeen, iyadoo nabadoonadu ku hanjabeen hadii dhibka iyo caga jugleynta laga deyn waayo ay dhici karto in gobol walba uu caasimadiisa ku shiro, balse ay haboon tahay in la is qadariyo.
Waa xarigii 5-aad oo 3-saac gudaheed ka dhaca magaalada Garoowe, caasimada dowlada Puntland, xilli doorashadii Puntland ay ka harsan tahay maalmo kooban oo qura. Waana sababta rasaas goos-goos ah ay caawa magaalada Garoowe looga maqlayo, iyadoo ay ridayaan dhalinyaro ka careysan kana xun xarigii iyo jirdilkii loo geystay mudane Cabdi kaafi Xasan oo wali ku jira gacanta dowlada Puntland.
