Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka qarxay Berbera Oo U dhaxeeya Habar Awal Iyo Habarjeclo
Wararka dheeriga ah ee afbakayle.com Kasoo gaadhaya Banaanbixii Iyo Beegsigii ka dhanka ahaa Beesha Bariga Burco ee doonaysay Inay Gabi ahaanba la wareegto Maamulka Gobolka Saaxil.
Islamarkaana Aan Wali La xaqiijin Qasaaraha Dhabta ah ee Ka Dhashay Ayaa Waxay Wararku Sheegayaan Inay Haatan Sii Socdaan Go’doominta lagu hayo Shaqsiyaad kasoo Jeeda Beesha Bariga Burco, ee kusugan Halkaasi.
Deegaanka Dacar Budhuq oo kaxiga magaalada Berbera Dhinaca Magaalada hargeisa Ayaa Haatan Waxaa Lasheegayaa Buundadiisa Inay Xidheen Shacabka Kasoo Jeeda deegaanka Ber bera.
Iyadoo Gabi ahaanba la xidhay Isu Socodka Gaadiidka Goboladaasi , Waxaana Sidoo kale Laga Xidhay wadada Katimaada Maagalada Burco ( Buunada Sheekh).
Waxaa Ay Shacabaka gadoodsan lawareegeen Sidoo Kale Qaarkamida Gaadiidka Waday Qaadka iyo Waliba Xamuulka usocday Maagalada Burco.
Banaanbaxyada iyo Weeradan Isxambaarsan Ayaa Hadba marka ka danaysa Sii Xoogaysanaya.
Dhinaca Maamulka Siilaanyo ayaa wararkaanu ka Helayno Waxay Sheegayaan inay halkaasi hada Udireen Gaadiidka Dagaalka kuwaas oo kusoo wajahan Goobaha Xiisadu Ka Taagantahay.
Lama Ogaan karo inay ku Guulaysan doonaan Inay Dejiyaan Shacabka Gobolka Saaxil ee ka Gadoodsan Caqli Xumada Beesha Siilaanyo.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Fu,aad Karaama jaamac
Afbakaylenews@gmail.com