afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:22 pm | Posted by

WAR DEG DEG AH:Nabadoono Caawa lagu dhawacay Garoowe xalado ka san oo Ka tagan

afbakayle.,comWaxa Soo baxay warar Sheegaya Inay jiraan Khilaf u dhxeya qaar ka mida Odayaal Dhaqameedka Imaday magaalada boosaaso Iyo Xukumada Puntland Iyadoona caawa lasheegay Inay ciidamada Puntland Jirdil u Geysteen nabadoono.

Xili maalinti Shalay maamulka gobolka Nugaal Ay xabsiga dhigeen nabadoono Gobolkaasi U tagey Shir ay sheegeen inuu uga Furmayo,ayaa waxa wali Siikordahaya Amarka xukumada Faroole Kaga Soo Hor jeedo Shirarkaasi.

Wararka Naga soo gadahay magaalada garoowe ee caasimada Puntland waxay sheegayaan Inay ciidamada Madaxtooyada Ka Hor tageen nabadoono ka Imaday magalaada Boosaaso Ee xarunta gobolka Bari.

Iyadoona Ciidamada Ku amreen inay nabadoonada dib ugu laabtaan gobolka bari aysana Soo gali Karin magaalada garoowe.

Ugu yaran 5 Nabadoon oo magacyadooda warbaahinta Soo gadhey ayaa Lasheegay in lagu amray inay Dib uga laabtaan xili ay doonayeen Inay ka Qeyb galaan shir baryahani Odayaasha Isimada Uga Furmay garoowe.

Ilaa Hada majiraan wax wara oo ka soo baxay xukumada Puntland sababta nabadoonadani Laysu Hor tagayo iyadoona Ku eedeysay inay wadan Bur burinta Xukumada Jirta.

Nabdoonadani oo uu ka Mid yahay nabdoon Nabadoon Cabdi Siciid Ibraahim ayaa Lagu soo waramaya inay ciidamada Jir dil u geysteen ayna Dhawac fudud u geysteen Nabadoonka.

Nabadoon Cabdi Siciid Ibraahim (oo hadda dhaawac ah) Ayaa Qadka Telefoonka waxa u Noogu sheegay inay xaladiisa caafimad aad u wanagsan tahay iyadoona Muran dhex maray Nabadoonada iyo ciidamada jir dil u geysteen ciidamada Ku sugnaa kantaroolka Bari ee laga soo galo magalada garoowe.

Dhawacani oo Ah Mid fudud aya Lasheegaya Inuu mid ka Mida askartaasi qori dabadiisa kaga dhuftay sida uu isaga noo xaqiijiyey.

Magalada garowe oo caawa Lagu dhawacay sarkaal ka Tirsana ciidamada canshuuraha Aya waxa ka socda Howl galo.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM