Banaanbax ka dhan ah Faroole oo Ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo
Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inay ka socdaan banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Puntland Craxmaan Faroole.
Banaanbaxa ayaa ka socda dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaana dadka ay wadaan hadalo qeylo ah oo ay ku muujinayaan sida ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha maamulka Puntland.
Wariyaha ku sugan magaalada Gaalkacyo aya soo sheegaya in dadka dhigaya banaanbaxa ay socod ku tageen xarunta Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland halkaasi oo ay ku gubeen taayaro waaweyn tasi oo qalqalgelisay ammaanka Gaalkacyo.
Xaalada ayaa waxa ay tahay mid kacsan islamarkaana Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Puntland uu isaga carray xarunta Gobalka Kadib markii uu aad uga yaabay tirada dadka dibadbaxa dhigaye.
Shacabka ayaa si aad uga dhiidhinaya caburinta faroole uu ku hayo dadka kunool Gobalada Puntland.