afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:33 pm | Posted by

Ethiopia oo ka hortimid heshiiskii militari ee Xasan Sheekh iyo Turkiga(xog)

 [Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul oo wadahadlaya]

[Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul oo wadahadlaya]

 

Dowlada Ethiopia ayaa aad uga walaacsan dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay galay abaabul ciidan isagoo safaro kala duwan ku kala bixiyay dhowr wadan oo isuga jira wadamo deris ah iyo kuwo kale.Dhaq dhaqaaqa Xasan Sheekh ayaa waxaa gundhig u ahaa laba arimood oo kala ah sidii uu ku heli lahaa ciidan awood iyo tayo leh iyo arinta labaad oo ahayd sidii uu uga takhalusi lahaa barnaamij culays siyaasadeed wata oo la yiraahdo Jubbaland(The unfinished business) oo uu ka dhaxlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
[Xasan Sheekh iyoIsmaaciil Cumar Geelle oo wadatashanaya]

 

Arinta Jubbaland mar kale ayaynu ka hadli doonaa laakiin arinta ciidanka ayaa madaxweynuhu wuxuu go’aansaday inuu la hoos galo dalka Turkiga oo dano badan ka leh Somalia.Xasan Sheekh ayaa la sheegay in itii uusan Turkiga u ambabixin uu la tashaday madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle..Xasan Sheekh wuxuu safar kutagay magaalada Ankara iyo Istanbul oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaas halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis militari oo dhigayay in Turkigu  tababaro oo qalabeeyo 46000(46kun) oo askari mudo 4 sano gudahood ah dhaqaalahana ay bixiso dowlada Qadar oo xidhiidh dhow la leh Xasan Sheekh.Dowlada Qadar ayaa la sheegay in 2 milyan oo doolar ay ku bixisay doorashadii Xasan Sheekh.

 

[Xasan Sheekh iyo wasiiradiisa Arimaha Dibeda Fowziya oo xog is dhaafsanaya]

[Xasan Sheekh iyo wasiiradiisa Arimaha Dibeda Fowziya oo xog is dhaafsanaya]

 

Warar laga soo xigtay madaxtooyada ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu dajiyay qorshe uu rabo inuu kaga maarmo ciidamada AMISOM ee dalku kusugan kaasoo loogu magac daray [Exit strategy].Qorshahan oo ah mid laga soo xigtay madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka kooban:-

1) in 2sano gudahood Turkigu kudiyaariyo 23kun oo askari iyadoo ciidankaas ay kamid noqonayaan dhalinyarada dhameysay dugsi sare iyo jaamacadaha si ciidankani uu unoqdo kuwo dhinac kasta ka diyaarsan.

2)In 46kun oo askari lagu diyaariyo mudo 4 sanadood gudahood ah oo isugu jira ciidamadii cirka,badda iyo militarigii caadiga ahaa si ay uhantaan dhamaan xuduudaha dalka.

3) In dowlada Qadar ay bixiso dhaqaalaha ku baxaya qalabaynta , tababarida iyo isku dabaridka qorshaha ciidanka.

[Wasiirka iyo wasiiru dowlaha Arimaha Dibeda ee Ethiopia oo xog isdhaafsanaya]

[Wasiirka iyo wasiiru dowlaha Arimaha Dibeda ee Ethiopia oo xog isdhaafsanaya]

 

 

Ethiopia oo si hoose ula socotay dhaq dhaqaaqa Xasan Sheekh ayaa walaac ka muujisay qorshahan iyo damaca Xasan Sheekh waxayna si toos ah uga hortimid  heshiiska militari ay kala saxiixdeen Xasan Sheekh iyo Turkigu.Xog hoose oo nasoo gaadhay ayaa sheegaysa  in dowlada Ethiopia ay sheegtay inaysan aqbali doonin heshiiska militari  ay kala saxiixdeen madaxweynaha Somalia iyo Turkiga.Ethiopia ayaa aaminsan in kaalmada militari ee Somalia u baahntahay ay usoo marto IGAD iyo ururka midowga Africa balse aysan socon doonin gacan dhaafka uu Xasan Sheekh gacan dhaafay midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

Heshiiskan oo maalmo kahor la horgeeyay Baarlamaanka Somalia ayaa buuq dhaliyay wuxuuna gudoomiyaha Baarlamaanku magacaabay gudi dabgal ku sameeysa heshiiskan.Gudigan ayaa waxaa xubno ka ah Jeneraal Muuse Xasan,Xuseen Caran Ciise iyo xildhibaan kale oo magaciisa lagu sheegay col.Faarax.Lama oga sababaha keenay in Baarlamaanku uu ka buuqo heshiiska waxaana suurtagal ah in arintani ay saameyn ku leedahaywalaaca dowladaha derisku ay ka qabaan heshiiskan, waloow marka la fiiriyo ragga madaxda loooga dhigay gudiga dabagalku aysan muuqanin khilaaf ka dhaxeeya guddomiyaha Baarlamaanka iyo qorshaha militari ee madaxweyne Xasan Sheekh.

La arki doono halka uu ku dambeeyo damaca Xasan Sheekh iyo walaaca dowladaha deriska.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM