Maxay Tahay Aragtida ku Adan Mustaqbalka Jose Mourinho Ee Kooxda Real Madrid

Mustaqbalka tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa mar kale shaki la gelinayaa, iyadoo ay soo baxayaan in laga yaabo inuu tago kooxda Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Real Madrid ayaa 16 dhibcood waxa ay ka dib dhacday kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona horyaalka La Liga, waxaana ay taasi keentay inay sii kordhiso cadaadiska saaran tababaraha reer Portugal.
Ninka loo yaqaano Special One ayaa isbuucaan sameeyay qamaar weyn ka dib markii uu keyd geliyay kabtanka kooxda ahna goolhayaha mudada dheer ee Real Madrid Iker Casillas isagoo ka doorbiday goolhayaha labaad Antonio Adan, kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Malaga.
Waxaana ay taasi horseed ka noqotay in mar kale laga hadlo kala qeybsanaan ka jirta qolka labiska ee Real Madrid.