afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:12 pm | Posted by

Jose Mourinho: Haatan Lama Joogo Waqtigii Aan Ka Hadli Lahaa Mustaqbalkeyga Real Madrid

mourinho-conference490ai_2Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inaan haatan la joogin waqtigii laga hadli lahaa mustaqbalkiisa Real Madrid.

49 jirkaan ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo kaga imaanaya madaxda Los Blancos, waxaana jira warar soo jeedinaya in laga yaabo inuu shaqada PSG ka bedelo Carlo Ancelotti dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa uu ka degay maanta Dubia ka hor kulan kubada cagta looga hadlayo oo halkaas ka dhacaya oo ay ka qeybgalayaan madaxweynaha UEFA Michel Platini iyo Deigo Maradona.

Isagoo jooga garoonka diyaaradaha Mourinho oo uu wehliyay wiilkiisa, ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Haatan lama joogo waqtigii aan ka hadli lahaa mustaqbalkeyga.”

Madrid ayaa tababarka dib u bilaabeysa axada, iyagoo doonaya inay soo yareeyaan farqiga 16ka dhibcood ee ay u jiraan kooxda hogaanka heysa ee Barcelona

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM