afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:57 pm | Posted by

Top News: Shirqool maamulka Siilaanyo ka fulin lahaa Degmada Saaxdheer oo fashilmay.

kalabaydhWararka naga magaalada Saaxdheer ee koonfurta G/Sool ee deeganada Khaatumo State ayaa sheegaya in halkaas shalay uu ku fashilmay fal danbiyeed ay soo abaabuleen Horgalada iyo maamulka SNM ee u hogaamiye Siilaanyo.

Warku wuxuu sheegaya in halkaas loo soo direy afar wiil oo ka mid ah dibjiriinat basaasinta SNM uga adega gudaha magaalada Laascanaood, kuwaasoo inta la keenay Saaxdheer ay ka soo daba baxeen maleeshiyaadkale ayagoo markaas ka dhigaya inay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Warbaahinta Afbakayle.com ayaa u kuurgashay ujeedada laga lahaa arintan iyo waxyaalaha ka qaybsoomay, waxaana xidhidh la sameynay dad mas’uuliyin ah oo ku sugan gudaha degmada Saaxdheer, kuwaasoo noo xaqiijiyey in wiilashaas basaasinta ah ay wadeen mu’aamarada la doonayo in magaalada lagu shaanbadeeyo in ay joogaan kooxda Al Shabaab ee gacan saarka la leh maamulka Hargaysa, isla markaana la ogsoon yahay in madaxda u saraysa ay ku sugan yihiin magaalooyina Burco iyo Hargaysa.

maleeshiyaadkale oo iska dhiga ciidan amni ayaa ka soodababaxay ayagoo doonayey in ay dawladda Ethiopia ku qanciyaan inay saldhig ka samaystaan Saaxdheer si ay uga ilaaliyaan waxa ay ugu yeedheen Shabaab oo ay ula jeedaan wiilasha u shaqeeya ee wax basaasa ee ay magaalad au soo direen. Xidhiidh kale oo aanu la sameyn Laascaanood ayaa naloo sheegay in afartii dibjir hada ay ku sugan yihiin laascaanood ka dib markii dad reer Saaxdheer arintii ay fashiliyeen, isla markaana kuwii dabacsodey ee soo direty ay dib u raaceen oo ay hada ka wada qaxweynyaan Laascanaood. Sidoo kale Saaxdheer waxaa ku sugan Garaadka guud ee deeganada Khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Sikastaba ha ahaatee, arimahan ayaa ah qaab cusub oo la dagaalanka deegaanada Khaatumo ah oo ay ciyaarayaan maamulka NSM kwuaasoo adeegsanaya caataqaatayaal deeganada ka soojeeda, waxaana cad inay isku dayayaan in ay magaalooyinka deeganada Khaatumo ay ku shaanbadeeyaan Al Shabaabka ay ayagu gacansaarka lee yihiin.Inta badana shacabka reer Khaatumo ayaan ku baraarugsanayn tabaha badan  ee maamulka cadowga Siilaanyo adeegsanayo, ayagoo siyaabo badan u waxyeleynaya deeganada iyo guud ahaan shacabka mandaqada Khaatumo State

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “Top News: Shirqool maamulka Siilaanyo ka fulin lahaa Degmada Saaxdheer oo fashilmay.”

  1. idoor liqe
    December 28, 2012 - 2:52 pm

    beeni raad maleh , khatumo been baan uga guuraay oon ku biiray jamhuuriyada somaliland !!

    Reply
  2. nasir
    December 28, 2012 - 3:58 pm

    idoor lige abahaa iyo inan gumeedkaad u dhalatay ba was keleb keleb dhalay mahbaryahow midgaanka ahi.
    wa

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM