Faallo Naxdin badan Oo kahadlaysa kufsigii iyo gowracii xaliimo Xuseen:- Maxay sugaan reer Khaatumo? Maxaa u hadhaay?
Xaliimo Xusseen Warsame maalintay dhalatay waxaa ku farxay hooyadeed, aabaheed iyo qoyskeeda dhamaantii. Maalintay Xalimo hana qaaday waxay baratay raaskay ka dhalatay, qabiilka ay ka dhalatay, iyo abtirsiimadeeda guud. Waxay ku qanacsanayd dhalashadeeda qoys iyo teeda qabiilba. Waxay ku riyoonaysay
mar haddii qoyskeedu awoodi waayay in iskuul u diro, oo ka badbaadiyo nolosha reer miyinimo taa macnaheedu inaysan ahayn inay ku waarayso nolosha xoolo raacnimo, noloshanina ahayn mid u qoran iyada inta nolosha ka hartay. Qoyskeedu reer miyi ha ahaado laakiin gayaankeed oo ilmaadeeradeed dhow iyo kuwo fogba in ay jiraan. In haybadeeda, quruxdeeda, iyo caqligeeda buuxa ee aan la gaarsiin meeshuu gaari lahaaba ay maalin maalmaha ka mid ah ay ku hanan doonto inaadeerkeed isagu helay fursadan ayna iyadu helin.
Xaliimo waxay markaa ay xoogga saartay inay ka haqab tirto qoyskeeda maanta waxa keliya ee ah awoodeeda. Awoodaas oo ah inay noqoto ciidan hooyo iyo aababa kaga seexdaan ariga ay raacdo. Waxay dhexda kaga jirtay oo ku dhex noolayd abtirsiimadeedu meeshay gashay. Wiil yar oo da’deeda ah, oo inaadeerkeed oo la kaftama aragtay, weligeedse caqliga ma gelin shisheeye arxan daran, xishood daran kana awood badani inuu ka soo duulayo dhul aanay ab iyo isir toona u lahayn.
Maalintii nolosheeda ugu dambaysay, sidii caadada u ahayd arigii ayay subaxii la dhaqaaqday. Hooyadeed, aabaheed iyo walaalaheedii ka yaraaba may sii dayin. Sababtoo ah waa arin ay samyn jirtay 3dii sanno ee nolosheeda ugu dambeeyay. Marnaba uurkeeda may gelin in maanta tahay maalintii nolosheeda ugu dambaysay. Marnaba ma gelin in jirkeeda curdanka ah lagula kaco wax dhaqnkeedu uusan baran. Marnaba kuma fekrin in murugo iyo saxariir gabalku ugu dhacayo qoyskii reer Xuseen Warsame. May niyaysan uurkutaalada hooyadeed. Argagaxa iyo dhakafaarka aabaheed
markuu arko gabadhiisii saaka iyadoo qoslaysa ka soo tagtay hadana maydkeedii, iyadoo loo dilay si uusan weligii maqlin jirkeedii curdanka ahaana loogu gefay ka hor intaan nolosha laga siibin. Waxaa aabeheed hor yimid, qayladii gabadhiisa uu jeclaa. Waxaa u sawirantay rag doolaalo ugu yimid oo gurigay ilaa maalintay dhalatay ku noolayd inta ugu yimaadeen ugu xad gudbay wax aan degaanka weli laga maqlin. Waxaa u sawirantay musiibadan ku habsatay gabadhiisii uu jeclaa. Meydkeedii oo uu aas u wado. Midi si aadminimada ka baxsan loogu jar jaray. Jidhkeedii curdanka ahaa oo loogu xad gudbay si uusan weligii ka fekerin. Waxaa ku noqotay wax madaxiisa ku dhex sawirma qayladii gabadhiisa markii niman cadow ah oo dhul fog ka soo duulay inta ugu yimaadeen degelkay ku kortay sidan aadminimada ka baxsan ula dhaqmay. Murugadii reer Xuseen u soo hoyatay waa mid uusan sheeko iyo shaahid toona ku maqal.
Murugadii Xuseen waxay aaskii gabadhiisa ka dib isu bedeshay ciil. Su’aalaha uu iswaydiinayo ayaa ah, Xaliimo sidee loo xaal marin karaa? Yaa xaal marinaya? Yaa xaqeedii soo dhicinaya? Yaa ka masauul ah gabadhii sebiga ah ee gurigay ku kortay inta loogu yimid sida waxshinimada ah loogu xad gudbay ka bacdina nafteedii sida araxan darada ah loo qaaday? Aakhiro ka sokow, yaa ifka xaqeedii raadinaya? Yaa u garab ah Xaliimo? Wuxuu garowsaday in cadowga SNM ee gabadhiisii
sebiga ahayd sidan ula dhaqmay ay u adeegaan rag ay garab ka sugaysay Xaliimo. Wuxuu aqoonsaday in Xaliimo aarkeeda aan looga fadhiyin nin tuugnimo ku dhashay ilaa iyo imikana ku shaqaysta oo SNM calooshiisa ugu adeega. Wuxuu Xuseen go’aansaday in SNMtii Xaliimo sida waxshinimada ah ugu xad gudbay inay u taliyaan kan Xaliimo garabka moodaysay uuna u shaqeeyo kuwii Xaliimo nolosheedii curadanka ahayd ku xad gudbay.
Xuseen wuxuu galoo garowsaday in kuwo meel ay ka yimaadeen aan la aqoon oo ku soo caan baxay xiligii qaran jabka qoyska Xaliimo ka soo jeedo kuna naalooda waxyeelada qoyska iyo reerka ay ku abtirsadaan aan looga fadhiyin inay Xaliimo xaqeedii raadiyaan.
Xuseen wuxuu go’aansaday in SNM iyo inta u shaqaysaa ay Xaliimo wixii gaadhay ka masuul yihiin. Wuxuu ciilkii Xuseen ku soo ururay; garanay wixii Xaliimo xaqeedii duudsiyay, ee yaa u maqan Xaliimo? Dadkay ka dhalatay ma ilaawi doonaan? Ma maqalnay oo ilownay baa Xaliimo ku dambayn toontaa? Mise tol dadnimo leh ayaa Xaliimo ka dambeeya? Ma inta Xaliimo jidhkeedii lagu xad gudbay la daawado, cidii ka dambaysay la aqoonsado, ayaa hadana ficil daro loogu darayaa? Xaliimo nolosheedii curdannimo ayaa lagu dhameeyay oo lama siin fursad ay ku noqoto qof ummadda waxay u qaban karto ka fekerta. Su’aasha reer Xuseen is weydiinayaan waxaa weeye, cadow ka xoog badan baa gurigoodi ugu yimid kuna xad gudbay oo qaatay waxay nolosha ugu jeclaayeen- gabadhoodii sebiga ahayd. Yaay reer Xuseen u hiil ah?
Jawaabtaas ayaa la sugayaa. Xaliimo inay laba goor dhimato iyo in dhimashadeedii iyo xad gudibkii iyada asiibay inuu badbaadiyo boqolaal Xaliimo oo maanta dhashay ama beri dhalan doona. Taas weeye ta reer Xuseen sugayaan. Ma Xaliimo ayaa ugu horaysay uguna dambayn toonta mise Xaliimo waa hordhac? Maxay sugaan reer Khaatumo? Maxaa u haray?
ilaahay ha u naxariisto gabadha yar , laakiin anigu ma qabo in idoor dillay , waxay ila tahay niman ku xumayna somaliland oo isleh kiciya reer khatumo , si ay dalka u xoreeyaan … laakiin wqaa ka xumaatay , maxa yeelay waxaa xasustaa markii syria dagaaladu kasocdeen baa niman dawlada syria mucarid ku ahi intay xasuuqaan boqolaal caruur ah bay odhon jireen dawladaa xasuuqday si ay dadka u kuciyaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waabaa sheekadii oo kaleh
Waar nadalyahow nadalku dhalay bastard baatahaye afkaga wase maxa warkan kugu wata.
alleh haw naxariisto walaahi khaatumo waa na ceebeysay
ma caruurteeni intaynu qawracno beynu danbiga dad kale saarnaa
beynu maraynaa ilaahoo ina arkaya subxaaanallah
waa sidi sawirki ay ssc tidhi ninkaa snm baa nolosha ku gubtay intay geed ku xireen ceebtii inaga raaacdeyna wa la ogaa
waa kii ali dhuux lahaa gambadaan qaatayee
gambadaa aynu qaadano carurteenana yeynaan waxashnimo la doonan
ilaaho ina arkayana yeynaan dad kale masabidin
ta 2aad yaa baadhitaan ku sameeyey ?
Benta ma ahan lakin hadey gawadha u argudi wayan waligod ma xorowayan reer khatumo
xaliimo gun bay ka dhalatay cidina uma maqna raga meesha mahbarka keenayna waa ilmaadeeradeed, hiil iyo hoo inay ilaahay ka sugto mahaee rag uma maqna oo dhulbahante ayaa ilaahay ka beeray oo reer is daba yaaca, maanta shan sacad yonis ah baan ugu aari lahaa lakii waan ka dheerahay. waxaan leeyahay xalimo rest in peace. xaliimo ina geeni yare, fuad adan cade iyo ina talyanle, ina cambaashe ina dhadahble, xaabsade intuba waa close familkeeda iyagaana saa gartay inay guryaha gabdhahooda mahbar keenaan lagu kufsado alguna gawraco insha allah gabdhahooda ayaa ku xigi doona oo aynu wiiga soo socda maqli doonaa.
kan leh idoor lege adeerkeesha ka carar mahbar shaati soo xidha meesha loogama baahna meeshee , iska tag
laxdan idoor liqe la baxday
kaaley ma halkaad baad damiir ka joogtaa. walee xaar baa kaa buuxa. lax lax dhashay.
Runtii waa waxlagaxumadoo Oo dhiiig loodaadsho valse waxaan odhan lahaa Inaan wax iskacelino Oo idoor Iyo dabadhilifyadoodamadaxa kaguro Oo dhiigooda dhulka kurushayno::: Oo cabsino hablaheena laciilay mantasaa hadal no egyahay ;;;; waa Aduun
ALLAYLEH Diintii ,Dhaqankii iyo Bini,aadaminimadiiba way ka tageen dadka falkan ku kacay waar wuxu ma Juudaankii laga SHeekayn jiray baa Subxaan Allah xagee lagu arkay wax ILmo saqiir aha fara xumeeya oo hadana dila.Malaa,iigta ilaahay baa xitaa debi ka qorin saqiirka waayo waa innecent(dabi,laawe) bini aadamna sidaasuu ugu xad gudbayaa.Waar waxani waa wuxuushee halagu jihaado waaba Qoomu Luud Subxaan Allah.
mar ka hore ilahay ha u naxaristo xalimo gacan ka xaqdaran aya dishay lakin dadka mesha daga miyanay ogayn in tan o kale dhacayso kuwo kale o tan ka xun aya iman donaa rerkas dhulosd ama wax ha iska caliyen ama dabada ha dhibten o ha isdhiben kaklay waxan umalaynayaa dhulos ki an naqanay waxba kama nolaaye ilahay waxan ka baryeyna in xalimo tolmaklaha e ilahay cid u arta o abahed iyo hoyaded murugada ka bi,isa in ilahay dhulos ka so saro umaba malaynayo e in ay ku jiran dhulos ee ilahay ha u gargaro
ilahay ha u naxariisto awalba saqiir bay ahayd waalidkeedna samir iyo iiman hakasiiyo. lakiin waxaan layabahanay nimankii maxamuud garaad iyo bahararsame maxaa ku dhacay oo dhiigii ka miiray .
reer nuugaaleedow dhulbahante waa gumeysen ee ama dhulbahante kamid noqda ama naga baxa.
walee arintan hadaad ficil ka celin waydaan reerku isku jirimaayo dhulbahantana isku dhulbahante ahaanmayo.
dalkii ayaa joogin mooye kufurtu bilaahi shan iidoor ayaa u dhiman lahaa
viva khaatumo
viva reer hawd
viva wacays adan
fardjaanow walal reerahad sheegayso waa kuwo naf jecelee adiigaba ciido kama xiigto xalimo she was your cousin too.
inalillahi waa inaa illehirajucuun illahay xalimo waa saqiiree janatul aclaa gurigeeda kaa yeelo amin amin illahay waliidked samiir iyo imaan tamaa hakasiyo amin dhaman intaa wanaga jeceel ee kaa danqanayaa dhiibka gabadhas yar gadhey oo an ku jiiro oo wallahi il aa hadaa aan kaa naxsanahay miskintas illahay samiir hanaga siiyo amin waxan rayeeyaba waa jawaab degdega iyo war farxad leh amin to idoor liqe walal waxad ku hadlaysiid kafiirso plz theres no way nib dhulooz ah waxas uu samanayo haduunu bukiin subxanallah waxas dhaqan iyo diintona uma lihiin
sorry i mean nin dhulooza waan qaldmay beside that waxan illahay 99ka magac leh kabaryaaya in ninki xalimo saas yeelay inu aduunkana siliic iyo saxariir iyo cudur iyo belaayo kuriido akhiirana jahanama guriigisu noqdo illahow amin illahow amin plz and plz intaa dhiibkan kaa damqanayow help me with amiiiiiiiiiiin waad mahadsantihiin wixi khalada iam sorry waxan kaxumaday dhiibka xalimo .
waxaan markahore tacsi udirayaa dhamaan muslimiinta somaliyed iyo kan khaatumostd oo dhan gaar ahaan saqiirada kageeriyootay waalidkeed oo ah reer tolkay ilaahayna waxaan kabaryayaa in ilaah naxariistii janosiiyo saqiirada waxaan kaloo kudarsanayaa kommettkan naxdinta iyo murugada badan caawa iyo maantaba walaahay bilaahay tolaahay reerha nugaal iyo hawdba dega ee khaatumostd ama ssc ama reer hebel ama humbul hunbul danbe iyo reer hebel danbe ilaa gawracaa gawrac iyo geeriban oo aan loo kalahadhan kadhaco oo mujrimiinta doqomada ee sameeyey weerarkan waxashnimada leh oo sando iyo waqtidheer oo xanuunban lamarsiiyo kuwa sooduulay ee helay caruur iyo maxas ee ismahadiyey ee aan naga raganimo badnayn ee dhulbahante oo maanta 6oo ooooo kun kayaran horteena kugawracay saqiiradeenii waxay iiladhigantahay in nin dhulbahante ehi uusan nolool danbe sugin kuwa qurbaha iyo kuwa guduhuba degdeg talo dhaba iyo talaabo dhaba oo colaadeed oo fulaan iyo fulaan toona lamaqal halmarna xabada meelkasta kabilaabato oo sabiil yaamuslin khaatumaysan lagu qawlin naagaha iyo caruurtaba majeerteen iyo ogaadeen halasiiyo raguna xiinyaha hayskajaro oo haka guuro nugaal iyo hawdba waxa caawa dhulbahante nugaaleed haystaana iyo jiifka weli iimuuqdaa walee jiifkaas iyo been beentaas jiifbeena iyo jiif jiifbaa kahoreeyey oo saqiiradaas horaa loogawracay markii ninba ninka kale iyo halyeygiisa woodhaq iyo talo xumo meelkastaa ugu dhuyaalay ee aan isdabaqabano oo dagaalano tolkayoow waa dhimanaynaa ee ceeb iyo foolxumo ladugsadaa dhaqan inooma ahayn ee rida xabada oo ilaahbaanidinkudhaariyee ninkastoow oo dhulbahante ahoow madaxaaga mayrax kuxiro wabilaahi tawfiiq
ok waax kaasta waa dhiici karan lakinn rer khaatumo seedee bayii uudilkarn ilmaah yer maa qar habeekii rer duul sexda baa jira oo khaatumo katirsan oolayaa dadk taasii majiirto ee qoof rer khaatumo ah baa diiley gabdhaayer waan ka suugenaa in sii cadii ah lasuu diilo oo an waxb lasuu reebii baan sheeg gugulihii gablakii dhacyii weeya sheka isqqa waa soodhamtayii sxb. waalee miino mar bayii qarxadd
waar dhuulbahntee waa lasirxayii oo waliba wadadak geeri ee sheekh mahode rabiici baa mar hoore falyii oo waxaa kuu cadenyaa in uu sixir jiro inaga ayaa is lainena mar waal ba lakin dadak kalee iskam ceelin waa waxii ka debayey dharwiish jabkedii marka waa ruumesteyi in sheekhasii arni culus inloa yiim oo xitaa odyshenuu geel bayii uracan ee albari dhuulbahtee ha lsameeyoo waxn laguu qabnyaa meesha uu ku asnyahii shee ismacil oo waa ber bera dhuulbahtee ber bera wax ma kuu soo siyern kar yeyle kuwel…
SOMALIDU WAA ISKA DHEG MAAL WAALANA SIXRAY
MARMARSIIYO MA WEYDO MAALIN AANU KUBAD CIYAAREYNAY
BAA MID HADA GOALKI OO BANAAN OO LOO SALAXAY INU KU RIIXO UUN
AYUU AG MARIYEY KU LAHAA AAR SAAKA MAAN QURAACANOO GAAJA IGU DILAACDAY WAXAAN U JEEDAA
DADKA KALE SIXIR MA QABTO MIYAA
SI WALBA UGU SHEEGEY OO UGU SHEEGEY LAAKIIN DHINAC BAA MAQAN
SSC KAGA SO BILOW ILAA KHAATUMO WAA UNDERCOVER SL
OO WALAAHIYA WAA SI AY S/L USII QABSATO DEEGANADAA
KHAATUMADA DHULKI IYO SHACABKA DHULBAHANTE KALA WAR LA,AA
SIYAABAHA AAD KU GARANAYSO WAXA KA MIDA DHAQALIHI MILLIONKA AHAA EE QURBUHU URURIYEEN HAL ASKARI MEY GAADHIN
KHIYAANADA WAXAD KU GARANAYSAA KHAATUMO
CIIDAN BAA LA DHISAA HORTA AWOOD LEH TIINA MA MUUQATO
SHACABKA IYO KUWA QURBUHUBA FLINKAA KHAATUMO EE AY METELAYAAN MABA OGA INUU FLINKU RUWAAYAD YAHAY AY METELAYAAN ANIGA IQ GEYGA LAGU CIYAARI MAAYO