afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:53 pm | Posted by

Bahda Saxaafada Gobolka Cayn oo Casho Sharaf Wada Qaatay + Arimo Xiiso Leh (Sawiro)

Xaflad caawa ka dhacdey Cabdigurey Plaza Hotel, Oo ay iskugu yimaadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Yadoo Xafladani ahayd tii ugu horeysay ee ay iskugu yimaadeen bahda saxaafada gobolka Cayn.

Xafladan casho-sharafta ah oo uu soo qaban qaabiyey Ingr,Axmed Cabdi Gurey oo ah mulkiilaha Cabdigurey Plaza Hotel, Isla markaasna looga hadlayay doorka ay saxaafadu ku leedahay deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn Ee maamulka goboleedka Khaatumo State Of Somalia.

Xafladan ayaa ahayd mid lagaga hadley qodo aad u mihiima oo ay bahda saxaafada gobolka Cayn iyo masuulka Cabdigurey Plaza Hotel ay kaga wada hadleen, Yadoo Ingr, Axmed Cabdigurey sheegay in saxaafadu tahay tan kaliya ee horumarka bulshadeeda kor u qaada.

Sidoo kale xafladani ayaa ahayd mid looga hadley sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta deegaanka iyo midnimada umada ku dhaqan deegaankani sidii sare loogu qaadi lahaa, Isla markaana ay bahda saxaafada gobolka Cayn doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen.

Dhanka kale bahda saxaafada gobolka Cayn,Oo ahayd yagu kuwo markaasi iskugu wada yimid Xafladani balaadhan ee uu soo qaban qaabiyey masuulkani”Axmed Cabdigurey” ayaa laysla gartey sidii loo weyneyn lahaa sharafka bulshada ku dhaqan deegaankani iyo sidoo kale maalinta xuska mudan ee inagu soo foodleh, Ee Sanad guuradii 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa wixii sharaf u ah bulshada ku dhaqan deegaankani.

Hadana masuuliyiinta iskugu timid Xafladani ka dhacdey”Cabdigurey Plaza Hotel” ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiin aad u fara badan oo ka wada mid ah bahda Saxaafada gobolka Cayn, Iyo Masuuliyiin kaleba.

Waxaana ka mida ahaa bahda saxaafada gobolka Cayn,Ee caawa iskugu timid Xafladani kuwa liskoodu u qoran yahay sida tan:-

1.Wariye Rashiid Kayse Cawil

2.Wariye Xamse Xasan Geele

3.Wariye Cabdicasiis Aadan Jaamac

4.Wariye Cali Cismaan Yuusuf

5.Wariye Axmed Geeljire

6. Wariye Malyuun Axmed Xasan

7.Wariye Khadar Cawil Ismaaciil

8.Wariye Maxamed Cali Bile

9.Wariye Cabdiraxman Jaamac Xaashi

10.Wariye Axmed Maxamed Nadiif

Isku soo wada duuboo Xafladani ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, Yadoo ay iskugu yimaadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn ee maamulka goboleedka Khaatumo State, Yadoo kulanka xafladani lagaga wada hadley qodo aad iyo aad u qiimo badan,Oo ay ka mid tahay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanka,dhaq dhaqaayada maamulka Khaatumo State iyo qodobo kale oo xaasaasi ah.

Gabagabadiina xafladani ayaa kusoo dhamaatey jawi aad u farxad badan oo qeyb sadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Yadoo ay xafladani ahayd tii ugu horeysay oo ay iskugu yimaadaan dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Isla markaasna ay isla qaataan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorkooda,Yadoo ay ahaayeen horeyba kuwo ku caan baxay kor u qaadista bilicda,sharafka,horumarka iyo inay soo gudbiyaan dhamaan marxaladaha kala gadesan ee Deegaankani.

c/casiis aadan jaamac 
Buuhoodle G/Cayn.















 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM