afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:35 pm | Posted by

Cabdiwelo cali gaas oo iska casilay xubintii Xildhibaanimada iyo Xubin kale oo booskiisii Buxisay(Xog)

cabdiweli-gaas1-300x214Raisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlada KMG aheyd ee Somalia C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tanaasulay xubinimadiisa Baarlamanka iyadoo booskiisana maanta lagu bedelay loona dhaariyey xildhibaan kale oo ay isku beel yihiin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Dr. C/wali Gaas uu soo gaarsiiyey qoraal uu ku cadeynayo inuu iska casilay kursigii uu ku magacownaa ee Baarlamanka Somalia, isagoo xusay beesha iska laheyd kursigaas ay keensatay nin kale oo magaciisa la yiraahdo Xildhibaan Cabdalla Dhiif Muuse kaasoo isla maanta loo dhaariyey xilkaas.

Raisul wasaarihii xilka ka degay ee Somalia C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay dalka Maraykanka oo markii horeba uu degenaansho ku lahaa lamana oga inuu ka baxay siyaasada Somalia iyo in kale.

Sidoo kale waxaa isna xilkii xildhibaanimo iska casilay xildhibaan Xuseen Khaliif, waxaana booskiisa lagu bedelay loona dhaariyey xildhibaan cusub oo magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid muuse Nuur kaasoo isna maanta loo dhaariyey xilkaas.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle loo dhaariyey booskii xildhibaannimo ee Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah gudoomiyaha xilligan ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxaana xildhibanada illaa hadda la bedelay ay gaarayaan sadex

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM