afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:54 pm | Posted by cabdirashiid cali

Manchester United Oo weli Sii Xejisanaysa Hogaanka Premier League Ka dib Markii Ay Garaaceen West Brom.

Kooxda Manchester United ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda West Brom oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 9aad markii Shinji Kagawa uu kubad si qatar ah ugu dhigay Ashley Young kaasoo kubad uu dhanka bidix ee diilinta ganaaxa ka tuuray ay lugta kaga sii dhacday McAuley kaasoo ka dhaliyay goolhayahiisa.

Daqiiqadii 32aad ayay United u soo dhawaatay inay hesho goolka labaad laakiin waxaa fursad qaali ah ka badbaadiyay Ashley Young goolhaye Foster kaasoo kubadii uu bixiyay ay birta ku sii dhacday.

Danny Welbeck ayaana daqiiqadihii ugu danbeysay ka faa’idsan lahaa qalad uu sameeyay goolhaye Foster laakiin fursadaas ma aysan noqon gool. Waxaana ay qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 oo hogaanka ay ku heysay kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

Manchester United ayaana bilowgii qeybta labaad cadaadis saartay West Brom iyagoo raadinayay goolka labaad ee ciyaarta, halka West Brom ay iyaga laftooda abuureen fursado qaar.

Daqiiqadii 70aad ayay West Brom ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha, ka dib markii McAuley oo ahaa ciyaaryahankii goolka iska dhaliyay uu kubad madax aheyd ku dhuftay birta.

 

Van Persie oo bedel ku soo galay qeybihii danbe ee ciyaarta ayaana ku sigtay inuu shabaqa soo taabto ka dib markii kubad loo dhex bixiyay, laakiin darbadiisa waxaa u babac dhigay daqiiqadii 81aad goolhaye Foster.

Daqiiqadii 88aad ayaa goolhaye Ben Foster waxa uu fursad qaali ah ka badbaadiyay Danny Welbeck kaasoo kubad ka helay Valencia islaamrkaana darbo goolka la abaaray, laakiin goolhayaha ayaa ka beeniyay.

Daqiiqadii 90aad ayayna Man United heleen goolkii ay raadinayeen islamarkaana ay doonayeen inay ciyaarta ku dilaan, waxaana si qurux badan shabaqa ugu hubsaday Robin van Persie, waana goolkiisii 17aad ee tartamada oo dhan tan iyo intii uu ku soo biiray Man United xagaagii. waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda hogaanka u heysa Premier League.

Guushaan ayaa waxa ka dhigan tahay guushii 30aad ee sannadkan 2012 ay Manchester United ka gaartay Premier League, waxaana ay sannadkan ku soo xireen guul.

Waxaana guushaan ay United ka saacideysa inay hogaanka ku hayaan 49 dhibcood, halka City oo guul ka gaartay Norwich City ay iyadana leedahay 42 dhibcood oo waxa ay ku jirtaa kaalinta labaad.

abdirashiid akhyaar
shabakada wararka afbakayle.com
xafiiskeeda kampala
email:abdirashiid_akhyaar.com

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM