Ronaldo Oo Furiinkii 3-Aad Maraya iyo Saxaafadda Brazil Oo kahadashay
Saxaafadda Brazil ayaa shaacisay in xiddigii hore ee xulkaasi Ronaldo iyo Bia Anthony ay kala tageen oo ay isfureen markii ay mudo 7 sano ah isqabeen oo ay isla noolaayeen.
Wargeys la yiraahdo O Globo ayaa daabacay in lamaanahaasi ay ku dhawaaqeen furiinkooda iyadoo uu si gaar ah u shaaciyay Ronaldo oo 36-sano jir ah.
“Kadib mudo 7 sano ah oo aan isla nooleyn waxaan cadeynayaa in aan kala tagnay oo aan isfurnay,” sidaasi waxaa lagu yiri war lagu daabacay O Globo.
Qoyskaani waxey isku lahaayeen labo gabdhood oo kala ah – Maria Sophia, oo 4 sano jir ah iyo Maria Alice oo 2 sano jir ah.
Ronaldo, oo Brazil u qaaday koobkii adduunka ee 2002 wuxuu mudo 3 mar ah noqday xiddiga adduuunka ugu fiican.
Furiinkaan wuxuu u noqonayaa Ronaldo kii 3d sababtoo ah horey wuxuu u soo guursaday labo mar oo hore kuwaasoo ku soo idlaaday kala tag sida kan oo kale.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com