afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:15 am | Posted by

War Deg Deg ah: Qaraxa dad badan oo shacab iyo ciidan isugu jira ay wax kunoqdeen oo kadhacay Suuqa Bakaaraha.

qarax_bam11Qarax aad u xoog badan oo loo adeegsaday Banbada gacanta laga tuuro bartilmaameedkiisuna ahaa ciidamda Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu kadhacay degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir.

Weerarkaani loo adeegsaday Banba gacmedka oo kadhacay dhanka waqooyi ee Isgoyska Bakaaraha halakasi oo ay marayeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya halkaasi oo ay ka dhasheen qasaare xooggan, waxaana ku dhaawacmay inta la’ogyahay 10 ruux oo lix kamid ah ay haween ahaayeen halka afarta ruux oo kale oo midkood askari yahay ay rag ahaayeen.

Waxa ay goob joogayaashu sheegen in xilligii weerarku dhacayay ciidamada weerarka lala eegtay aysan xilligaasi wax howl gal ah aysan ka wadin halka lagu weeraray, waxaana jiray xabada ciidanku ay rideen markii laweeraray kadib inkasta oo aan lasheegin cid wax ku noqotay.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho si loogu dabiibo, waxaana xilligaan lagadareemayaa halkii ay wax ka dheceen xaalad deganaan ah, waxaana dib u bilaawday ganacsigii suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka ay wax kadheceen.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM