DHAGAYSO:-Jariidad Afka Carabiga ku hadasha ayaa lagu soo bandhigay magaaladda Laascaanood
Joornaalkan oo ah sida uu sheegay masuul ku hadlay magaca Machadka Barashada Luqada carabiga ee Laascaanood oo hoostaga Jaamacadda Nugaal C/nuur Axmed Khaliif in ay ka hadli doonto horumarka iyo cilmiga.
Jariidadan oo lagu magcaabo Al-Ishraaq oo markii u horeysey soo baxday bishii aan soo dhaafnay haatan ay ku guulaysteen macalimiinta iyo maamulka Machadkani inay soo saaraan caddadkii labaad oo ah kan ay u sameeyeen bandhiga sida uu sheegay C/nuur.
C/nuur waxa uu u mahad celiyey shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM oo uu sheegay inay gacan ka geysatey soo bixitaanka Jariidadan.
C/risaaq Cali Maxamuud gudoomiye ku xigeenka shirkada Telesom oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin dadaalka ay sameeyeen masuuliyiinta Machadkani isagoo balan qaaday in waxtar intaasi ka badan uu kula noqon doono madaxdiisa.
Sheekh C/naasir Xaaji Maxamuud madax culimadda degaankan oo halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu ku dheeraaday cilmiga iyo sida kordhintiisa wax kasta oo kaabaya loo horu marin lahaa
Jariidadan ayaa ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee ka soo baxda gobolka Soo, waxase dad badani is weydiinayaan sida ay u sii socon doonto iyadoo ay jireen wargeysyo badan oo ka soo baxay magaaladda Laascaanood hase yeeshee dhamaantood ay sii socon waayeen.
Halkan Kadhagayso Daah furkii Xaflada
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Fu,aad Karaama Jaamac
Afbakaylenews@gmail.com