(Dhagayso) Munaasibad Lagu Taageerayey Madax Dhaqameed Dhawaan Lagu Caleema Saaray Magaalada Nairobi Oo Ka Dhacday Magaalada Laascaanood
Munaasibad lagu taageerayey madax dhaqameed dhawaan lagu caleema saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka dhacday Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Cabdi Garaad ama Qayaad ayaa ahayd mid taageero loogu muujinayey Garaad C/nuur Cali Aw- Deer oo 22-kii bishan aynu ku jirno lagu caleema saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Hadaba munaasibadan oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Waxgarad, Aqoon yahano, Culumo awdiin, Haween, iyo Dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u hayaan Garaadkani la caleema saaray.
Halkan Ka Dhagayso
Si kastaba ha ahaatee munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi farxadeed, iyagoona dhamaanba dad weynihii kasoo qayb galaya ay taageero gaar ah u muujiyeen Garaad C/nuur Cali Aw Deer oo kamid noqon doonaa madax dhaqameedka Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Beesha Cumar Cabdi oo ka tirsan Beel weynta Dhulbahane.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Fu,aad Karaama Jaamac
Afbakaylenews@gmail.com