afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:36 am | Posted by

War MUHIIM: Aqriso Magacyada Dhalinyaradii ku dhimatay Gaari lagu Tahriibinayay dalka Libya

gaadhi gadoomaySafaaradda Soomaaliya ee dalka Libya ayaa ku dhaawaaqday magacyada dadkii ku dhintay gaari lagu tahriibinayay oo ka dhaxmarayay gudaha dalkaasi kuna sii jeeday Magaalata Tripoli ee caasimada Libya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya Cabdi Qani Maxamed Waceys ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka koobay yihiin 16-qof oo isku jira 10-wiil iyo 6-gabdhood kuwaasi oo gaariyooday kaddib Markii Shamiito saareyd gaari xamaaul oo lagu tahriibinayay ay ku soo duntay.

Cabdi Qani Maxamed Waceys ayaa tilmaamay in dadkii kale ee ku dhawacmay qaar kood laga saaray marka laga reebo gabar iyo dhawr wiil oo uu xusay in ay u baahanyihiin maalmo baxnaano ah.

Safiirka Soomaaliya ee Libya ayaa sheegay in Magacyada hore oo kaliya badi ay heleen madaama dhaliyarada la socotay ay tilmaameen in ay saxaraha isku soo barteen waa kuwan 10wiil Magacyadooda.

  1. Cali Cabdulle Xisi
  2. Xasan Cusmaan Jelaani
  3. Max’ed Deeq Barqad Cali
  4. Cabdi Raxiim
  5. Askar
  6. Muuse
  7. Sugaal
  8. Siciid
  9. Axmed
  10. 10. Axmed Qadar

Magacyada 6-ka Gabdhood

  1. Sacdiya Maxamuud Xasan
  2. Saamiyo
  3. Yaasmiin
  4. Saamiyo
  5. Xaawo
  6. Aasiya Cusman Maxamed

Safiirka ayaa sheegay in magacyada aan siwacan loo garan Karin laakiin waxa uu balanqaaday in sawiradooda la soo dhigi doono Internet-ka si ay waalidiintoodu u gartaan.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM