afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:23 am | Posted by

Daawo+Video:-Boorama Ciidamada SNM Oo Dad shacab ah Sitoos Xabad Uladhacaya

dhimashoBanaanbaxa ayaa dhacay ka dib markii wefdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici uu gudaha u gallay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaana banaanbaxayaashu ay ka hortageen wefdiga madaxweyne ku xigeenka iyagoo damacsana inay ka hor tagaan wefdiga Saylici.

Ilaa Inta la ogyahay dhimashada ayaa ah hal qof halka dhaawucuna yahay ilaa seddex ruux ka dib markii maanta ilaalada wefdi uu hogaaminaayey C/raxmaan Saylici ay rasaas nool oodda kaga qaadeen dad rayid ah oo ka gadoodsana imaatinkooda magaalada Boorama wefdiga waxaa la socday  Muuse Biixi Cabdi, Hoos ka daawo video ga faahfaahin arinta ku saabsan.

Isku socodka magaalada Boorama ayaa istaagay waxaana magaalada Boorama ka bilaabmay xiisad baahsan, dhacdadani ayaa aloosantay iyadoo dadweynaha magaalada Boorama ay ka biyo diidsanyahiin doorashada Maayorka iyo ku xigeenka magaalada Saylac ee gobolka Salal oo siilaanyo iyo geele  doonayaan  la siiyo beesha Ciise.

Xiisadda Boorama ayaa noqonaysa tii shannaad ee maamulka siilaanyo gilgisha doorashadii golaha deegaanka sababtayna khasaare nafeed iyadoo hore rabshado kuwani la mid ahi ay ka dhaceen magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo, Burco, iyo Hargeysa.

Magaalada Lughaya ayaa banaanbaxyo rabshado wata ay ka bilaabmeen ka hor doorashada golaha deegaanka taasi oo ay ku dhinteen laba qof.

Halkan riix oo Daawo Xasuuqa Dadka Reer borama

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Borame/Awdalstate

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM