afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:18 pm | Posted by ducaale

Soomaali Badan oo Maalin Walba ka Tagaya Dalka Kenya (Xagee Aadayaan)?

Tan iyo markii dowladda Kenya ay ku amartay Soomaalida ku nool dalkeeda inay isaga baxaan magaalooyinka oo ay aadaan xeryaha qaxootiga, waxaa kororay tirada dadka u laabanaya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa Warbaahinta u sheegay in dad lagu qiyaasay 400 oo qof ay maalin kasta ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport, kuwaasoo dib ugu laabanaya Soomaaliya.

Maxamed Barre Maxamuud oo ka shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha duullimaadyada qaabilsan oo lagu magacaabo Africa Crown World Travel ayaa sheegay isku celceliska tirada dadka dib ugu noqday Soomaaliya labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku tilmaamay ilaa 9,000 oo qof.

Maxamed wuxuu sheegay inuusan isbeddel ku imaan sicirka duullimaadyada, wuxuuna xusay in dad badan oo Soomaali ah ay dib ugu noqonayeen dalka xataa ka hor intaysan Kenya amarka soo saarin.

Qaar ka mid ah dadka aan awoodin inay diyaarado ku safraan ayuu sheegay inay raacaan baabuur aadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo jira Soomaali u dhoofaysa dalalka deriska la ah Kenya sida Uganda iyo Tanzania, halka kuwa kale oo ka yimid dalalka reer Galbeedka ay dib ugu noqonayaan meelihii ay ka yimaadeen.

Amarka Kenya ay ku bixisay inay Soomaalida uga baxaan magaalooyinka waa-weyn ayaa saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada ku yaalla Eastleigh ayaa sheegay inuu hoos-u dhac xooggan soo gaaray ganacsigooda, taasoo ay sheegeen inay ka dambeyso falalka ammaan darrada ah ee ku sii kordhaya xaafadda iyo howlgallada milateriga iyo booliska Kenya ay ka wadaan halkaas oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka Soomaalida ee qaxootiga ah.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM