afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:15 pm | Posted by

Top News: Shaqaaqdii Beelaha Yaxye & Cali Geri oo Lasoo Afmeeray Sawiro + Qodobo

Waxaa galabta abaara saacad kahor Salaadii Makhribnimo,La gaadhey hishiis dhexmarey labada beelood ee wallaalaha ah ee Beesha Warsame Yaxye Iyo Beesha Xirsi Cali-Gari,Iyadoo ay halkaasi dhex dhexaadiyeen gudi kasoo jeeday beelaha kale ee la dega gudaha magaalada Buuhoodle iyo dhamaanba deegaanada hoostaga gobolka Cayn. Heeshkan laga gaadhey shaqaaqadii yareyd ee dhex martey labadan beelood, Ayaa waxaa kasoo baxay qodo ay markaasi kasoo saareen gudidii sadex geesoodka ahayd ee kulankan galabta yeelatey.

Qodobada Beesha Warsame Kaga Samri Karaan Shaqaaqadan Dhacdey Ayna Soo Gudbiyeen Waxay Ahaayeen Kuwo Sida Tan U Qoran:-

Ku: Gudida dhexdhexaadka ee reer Buuhoodle Og: Ciidanka Logu Booliska D.D.S Anagoo ah gudida dhibanayaasha ah ee Warsame Yaxye salaan kadib waxaan si kooban idiinku soo gudbineynaa anagoo hore si buuxda oo dhameystiran idiinku dhiibaney kalsoonida galida xaajada iyo go’aankeedaba, Waxaa lagama maarmaan noqotey sidii aanu uga hadalney dilka loo geystey marxuum X.Faarax X.Maxamuud Sh.Axmed, Arimaha ay nala tahay in gudidu ka baaraan dego kana fiirsato waa-fajisana xukunkeeda waa sidan hoos ku qoran:-

1.Dilkii ka dhacay magaalada dhulbahante ciideed ee badhtankeeda loogu diley marxuumka si fool xun.

2.Dad tuute ah oo hubeysan oo rag iyo dumarba leh, Kana kooban 6qof oo si fool xun marxuumka u diley.

3.Wadar-dileed laba qori ah oo si buuxda u fuliyey dilka Marxuumka.

4.Bir ma geydo aan danbi lahayn, hubeysneyna,Ganacsade na ah, Si fool xuna golo dilkiisu uga dhacay.

5.Gacan ku dhiiglayaashii Marxuumka diley iyo Odayadoodii oo gogol ku wada fadhiya , Iskuna raacsan in aan laga tegin meesha uu dilku ka dhacay, Lagana dhuuman dhibanayaasha iyo Waxgaradka Dhulbahante toon.

FG:- Waxaan guddida Dhulbanate ee dhaqan-yaqaanka ah,Ee dhib -yaqaanka ah, Waxgaradkana ah, U iftiimineynaa qodobadaas kor ku xusan, Oo waxyeeli karta damiirka dhinayaasha, Dhiiri galinkarta wax ma garadka iney si mugleh uga fiirsadaan go’aanka loo igmadey.

Magacyada Gudida Warsame Yaxye……

1.Cabdiraxmaan Caliwaash Sh.Axmed

2.Maxamed Saalax Maxamuud Sh.Axmed

3.Cabdicasiis Cabdillaahi Sh.Axmed

4.Cabdixaafid Cali Sh.Axmed

5.Xasan Sh.Axmed X.Maxamed

6.Saleebaan Cumar X.Maxamed

7.Maxamed Cumar X.Maxamed

8.Maxamed Cabdi Cabdillaahi

9.Axmed Xaji Cali Cabdillaahi

10.Cali Saleebaan Aw Cabdi

11.Saleebaan Cabdi Yuusuf

12.Aadan Cali Axder

13.Cabdiqani Cawaale Cabdi

14.Maxamed Samater Maxamuud

15. Maxamed Cabdi Xasan.

Gabagabadii qodobadani ay soo jeediyeen beesha Warsame Yaxye oo ay markaasi u soo bandhigeen gudida dhexdhexaadka ah, Ayaa waxaa laysla qaatey in xeerkooda qodobadani sare ku qoran la waafajiyey, Yadoo gudida dhexdhexaadka ahi ku xukuntey 5oo Geela Iyo Laba Qori, Yadoo tirada geelana loo qeybiyey sida qodobaddani u kala dhignaayeen iyo qodob walba wixii lagu xaqey.

Hadaba Hooska Dhageyso Codka Gudida Beesha Warsame Yaxye Iyo Qodobada Ay Soo Bandhigeen Iyo Xukunka Laga Gaadhey, Oo Markaasi Laysla Qaatey.

Hooska Daawo Sawirada Warsaxaafadeedka Gudida Beesha Warsame Yaxye

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM