Daawo+Video:- Cusbitaal Casri ah Oo laga Furay Magaalada Laascaanood
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayey cisbitaal weyn oo kamid ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa maanta laga furay hoolka cisbitaalkaasi ayaa lagu qabtay magaalada laascaanood
Furitaanka cusbitaalka casriga ah ee nugaal doctors plaza oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf tira badan oo ka kooban bulshadaha qeybaheeda kala duwan sida ganacsato culimada bahda caafimaadka ee gobolka sool iyo dakhaatiirta furtay cisbitaalkaasi
Ugu horeynta waxaa halkaasi ka hadlay culimada magaalada laascaanood oo sheegay in baahi weyn u qabeen cusbitaalka casriga ah bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood iyagoona ku duceeyay cisbitaalkaasi
Waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar kamid ah qurba jooga deegaanka oo sheegay in talaabadani tahay mid ku dayasho mudan iyagoona uga mahadcelyey dhakhaatiirta iskood iskusoo abaabushay ee dadaalka dheer geliyey sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadweynaha ku dhaqan deegaankan
Gabagabadii munaasabadan waxaa ka hadlay dhakhaatiirtii maalkooda iyo maskaxdooda geliyey cisbitaalkan casriga ah ee laga fuliyey magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyadoona ay madashaasi ka sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan baahida caafimad ee gobolka
iskusoo wada duuboo cisbitaalkan oo keenay xarunta ay ku shaqayndoonaan qalab casri ah ayaa looga gonleeyahay sidii uu wax weyn uga bedelilahaa xaalada caafimaad ee dalka gaar ahaana gobolkan sool iyadoona ay dadka khatarta caafimaad lasoo deristo loola carari jirey magaalooyinka garoowe burco iyo hargaysa inkastoo ay haatan balanqaadeen dhakhaatiirtani in ay dabooli doonaan guud ahaanba baahiyaha caafimaad ee jira
Halkankadaawo Furitaanka Cusbitaalkaas