Man City 3-0 Stoke: Manchester City Oo Guul Weyn Kula Dabaaldegtay Sannadka Cusub.
Kooxda Manchester City ayaa iyadana maalinta ugu horeysa ee sannadka cusub waxa ay ku furatay guul ka dib markii ay 3-0 ku qaarjisay kooxda Stoke City oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.
Bilowgii hore ee ciyaarta ayaa fursado dhowr ah uu ka qasaariyay kooxda difaacaneysa horyaalka ciyaaryahanka reer Argentina Sergio Aguero, iyadoo fursadii ugu fiicneyd ee uu helay daqiiqadii 33aad uu kubad madax aheyd birta ku dhuftay.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 43aad ayayna Sky Blue hogaanka ciyaarta u qabatay, Silva ayaa kubad u dhex bixiyay Milner, waxaana kubada lugaha ku soo celiyay goolhaye Begovic, waxaana ay kubada u tagtay Zabaleta kaasoo isna si habsami leh shabaqa ugu hubsaday.
Goolkaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore, laakiin City ayaa goolasha halkeeda ka sii wadatay daqiiqadii 56aad, City ayaa si degdeg ah u qaadatay laad xor ah, Agyero ayaana ay kubad la helay goolka, laakiin goolhaye Begovic ayaa kubada soo tufay islamarkaana lugta u geliyay Dzeko kaasoo isna la labalabeynin inuu shabaqa cusjiyo.
City ayaa rigoore heshay daqiiqadii 73aad Nzonzi ayaa qalad ku galay David Silva diilinta ganaaxa dhexdeeda, waxaana rigoorada u soo istaagay Sergio Aguero kaasoo gool u sarifay islamarkaana u xaqiijiyay inay Manchester City ku badiso 3-0.
Guushaan ay gaartay Manchester City ayaa weli ku sii heyneysa kaalinta 2aad iyagoo leh 45 dhibcood, waxaana ay 7 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa deriskooda Manchester United oo leh 52 dhibcood ka dib markii ay soo dardareen kooxda Wigan Athletic.