afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:19 pm | Posted by

Wigan 4-0 Man Utd: RVP Iyo Chicharito Oo Hadiyad Guul Ah Siiyay Ferguson Maalin Ka Dib Maalinta Dhalashadiisa.

man uManchester United ayaa guul ku bilaabatay sannadka cusub ee 2013 iyagoo sii xajistay hogaankooda ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Wigan Athletic oo marti loo ahaa.

Min labo gool oo ay kala dhaliyeen Javier Hernandez iyo Robin van Persie ayaana ka saaciday tababare Sir Alex Ferguson inuu seddex dhibcood kula dabaaldego sannadguurada dhalashadiisa isagoo shalay noqday 71 jir.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa goolhayaha Wigan Ali Al-Habsi waxa uu labo fursadood ka badbaadiyay Robin van Persie laad xor ah oo uu soo tuuray iyo kubad kale oo uu goolka la haweystay Rafael.

Laakiin United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 35aad markii kubad uu Evra goolka ku tuuray uu soo tufay goolhaye Al-Habsi, islamarkaan Chicharito uu shabaqa dhex dhigay.

Labo daqiiqo markii ay ka dhimaneyd qeybtii hore ayaa Manchester United ay sii dheereysatay hogaanka ciyaarta, iyadoo Robin van Persie uu kubad ku helay diilinta ganaaxa isagoo qanciyay mid ka mid ah daafacyada Wigan ka hor inta uusan kubad qurux badan shabaqa dhex dhigin.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo hogaanka ay ku heysay kooxda Red Devils, qeybtii labaad ayaa United ay ciyaarta meel dheer ku sii xirtay, iyadoo dhalisay goolkii 3aad daqiiqadii 63aad, laad xor ah oo uu tuuray Van Persie ayaa ku dhacday darbiga ama baarada, waxa uu kubad ka dib u taabtay Young kaasoo isna xagal fiican ka soo dhigay, waxaana kubada helay Hernandez oo dabamariyay goolhaye Al-Habsi.

 

Chicharito ayaa labada gool ee uu ciyaartaan dhaliyay waxa ay u tahay goolashiisii 12aad ee xilli ciyaareedkan uu u dhaliyo Manchester United.

Daqiiqadii 88aad ayaa waxaa ciyaarta hurdo u diray Robin Van Persie oo dhaliyay goolkii afaraad ee Manchester United ahaana goolkiisii labaad ee ciyaarta, waxaana Red Devils ay ku badisay 4-0.

Van Persie ayaana labada gool ee uu dhaliyay waxa ay saaciday inuu keli ku ahaado hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier Leage.

Guusha ay Manchester United gaartay ayaana ka sii dhigeysa inay sii xajistan hogaankooda, iyagoo hogaanka horyaalka Premier League ku haya 52 dhibcood, waxaana ay weli 7 dhibcood ka sareeyaan Manchester City kuwaasoo iyagana guul ka gaaray maanta kooxda Stoke City

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM