DHAGAYSO:-Xaad Oo Kismaayo Ka Hadlay Kuna Sheegay Dadka Hadda Ku Sugan Inay Yihiin Dad Ka Yimid Kilinka Shanaad,Kenya Iyo Deegaano Kale
(Dhageyso:Caqlixumadda Ninkan Nabadoonka sheeganaya oo Guriga uu ku jiro bililiqeystay 22-sano ka hor,hadana u ciilqaba Guryaha Kismaayo)
Gudoomiyaha Beelaha Hawiye Nabdoon Xaad ayaa dhaliilay Dadka deegaanka Kismaayo,isagoo ku sheegay inay yihiin badankood Dad ka yimid Kilinka Shanaad ee Itoobiya,Sujiiyada Kenya oo uu ka wado Beesha Absame,iyo dad ka yimid Xeebaha shishe oo la fasirtay Reer Puntland.
Maxamed Xasan Xaad oo guriga uu ku jiro uu yahay Bililqo iskana leeyahiin Qoyska Muuse Boqor,ayaa arin laga yaab ku noqotay Dadweyanaha Soomaaliyeed,in shaqsi guriga uu ku jiro xaaraan ku heysto,in Dadka Deegaanka Kismaayo ku shiraya kana wad-hadlaya dhisitaanka Maamul Goboleedka jubbaland inuu ku sheego inay ka yimaadeen Kilinka-shanaad ee Itoobiya,Sujuu Keenyaati,Xeebaha Bariga oo Puntland loo fasirtay iyo deegaano kale
Halkan kadhagayso Hadalka Xaad Qabqable
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
Magacaa ba’ dheh!
walee hawiye waa ka daray!
Dadka Kismaayo joogaa meeshay rabaan ha ka yimaadeen laakiin dhulka iyagaa iska leh.