Dhageyso:Cod Sir Ah 20-000-Dolar Baan U Baahanahay:-Gudomiyaha Gobolka Bari Oo Cod Oo Laga Duubay Isagoo Laaluush Codsanaya
Musuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa cabudhin iyo Musuq maasuq ayaa ku haysa shabka deegaanada puntland iyagoo haydaha ku xidha inay lacag baad ah ay siiyaan oo ay ugu shubaan Akoonkooda Hadii kale aanay waxba ka qaban karin dalka.
Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Gallan ayaa ku dhacay Fadeexadii ugu foosha-xumeed ee mas’uul Puntland tirsan lagu shaabadeeyo,kadib markii cod-sir ah oo laga duubay uu ka codsanayo in laaluush-ahaan loosiiyo (20-000-Doolar)hadii uu la doonayo Mahshuur ay bixinaysom Hey’adda WFP inuu soo dhameeyo.
Codkaan Sirta ah ee aan idiin soo gudbinayno hadii ninkan Gudoomiye Gobol ka-ahaan lahaa Wadan Reer Galbeed ah,waa is casililahaa,sidii ku dhacday Gudoomiyihii Gobolka Illinois ee lagu eedeeyay inuu doonayey inuu kursigiisa ku 150-000-Doolar,markii codkii sirtii la baahiyana waa is-casilay hadana wuxuu ku jiraa xabsi.
Hadaba C/samad Gallan waxaa la gudboon oo sharaf u ah,hadii uu codkan sirta ah ee laga duubay uu maqlo inuu is-casilo Xajkana aado si uu ilaahay dembi-dhaaf u weydiisto.
Dhageyso Codka Sirta ah ee Gallan laga duubay iyo isagoo codsanaya (20-000-Dollar oo laaluush ah):
Halkan Riix Oo Ka dhagayso Cod Sira
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Barri/Boosaaso
Afbakaylenews@gmail.com