Dhaqdhaqaaq Culus oo ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo
Wararka aan ka helayno degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi dhaqdhaqaaq uu ka taagan yahay kaasi oo ay wadaan ciidamada Alshabaab iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqa wuxuu ka dambeeyay markii ciidamada dowlada ay ka warheleen in Alshabaab ciidamadooda ay isaga baxeen degmada Baardheere oo saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayay.
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugan degmada Ufurow ee gobolka Baay ayaa la sheegayaa inay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan degmada Baardheere.
Sidoo kale ciidamo ka tirsan Ethiopia iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo ku sugan degmada Faxfaxdhuun ayaa la sheegayaa inay wadaa dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay ku gaaraan degmada Baardheere.
Xaalada degmada ayaa ah mid kacsan waxaana dadka ay yihiin kuwo ka warsugaya isbedelka ka dhaca degmada,waxaana wararka qaar oo aan helayno ay sheegayaan in Alshabaab ay dig ugu soo laabteen degmadaasi.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com