afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:57 pm | Posted by

Raaf iyo Qafaal xoogan oo ay Ciidamada Kenya Saaka ka Sameyeen Xaafada Islii Magaalada Nairobi

ciidamada kenya isliiDalka Kenya Ayaa la Sheegayaa in uu ka socdo Howl gal ay wadaan Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya, iyadoo howlgalkaani uu yahay mid lagu raafayo dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Ciidamada Amaanka Kenya ee haatan howl-galka wada Xaafadaha Kenya ayaa waxay Saaka Raaf Ba,an ka Gaysteen xaafadaha ka mid ah islii ee magalaada Nairobi, wuxuuna rafka ugu Xoogan uu Saaka kadhacay Xafada Seven Streat oo ay u Badanyihiin Dadka Soomaalida ah.

Waxaa xaafadda Islii lagu soo daadiyay Ciidamadda Loo yaqaan (Koofiyad Guduudka), waxaana la arkayay iyadoo ay soo qab qabanayaan dad soomaali ah, kuwaasoo qaarkood ay kala soo baxayeen Guryaha ay daganaayeen.
Dadka ay qabqabanayaan Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay ka qaadanayaan Lacago ah Laalush ah Kuwaas Oo ay kusiidaynayaan Dadka,Dadka Qaarkood Oo aan lacagtaas Awoodin ay utaxaabayaan Jeelka Waynee Shoromooya.

Howlgalkan Raafka ah ayaa waxaa bar bar socda Baaritaano xoogaan oo ay sameeynayaan Ciidamadda Kenya.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Kenya/Nairobi

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM