afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:34 pm | Posted by

Daawo Sawirada Ciidamo katirsan Dowlada oo Dhoolo Tus cajiib ah kusoo dhaweeyay wasiirka Gaashaandhigga Somalia

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo waayahaan safarro ku kala bixinayay goobaha ay kataliso dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu booqashadiisii ugu danbeysay ku tegay gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya.

Booqashada wasiirka Gaashaandhigga jamuuriyada Soomaaliya ayaa waxa ay qeyb ka aheyd saffarada uu weday waayahaan ee niyadda loogu dhisayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya laguna xaqiijinayo guulaha ay ka gaarayen dagaalada ay kula jiraan Shabaab.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka waxaa kamid ah taliyaha ciidanka meleteriga Soomaaliya, waxa ayna halkaasi kasmeeyeen mushar bixin.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ciidamada ay bil walba heli doonaan mushaarkooda.

Safarkiisa intii uu ku guda jiray waxa uu lakulmay bulshada qeybaheeda kala duwan waxa uuna si gaar ah ula kulmay odayaasha dhaqanka, maamulada gobalada Baay iyo Bakool iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Somaaliya iyo ciidamada Itoobiya ee kusaugan halkaasi.

Si kastaba ,Booqashada Wasiirka ayaa waxa ay tahay tii ugu horeysay ee caasimada uu uga boxo sanadkaan cusub ee 2013-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM