afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:51 am | Posted by

Maxaa ka jira in Godane iyo Maamulka Sland in ay iska Kaashadeen Dilalka Qorshaysan Ee Lascanod + Xog

Top-Secret3Marka laga soo gudbo Siyaasadii Qaboobayd ee uu Deegaamada Sool Sanaag iyo Cayn uu ku hantiyey qaar ka mid ahMaamulkii hore ee  Daahir Riyaale oo haya Raadkii Maxed ibraahin cigaal Waxa uu noqday Siilaanyo mid si buuxda u baal maray isaga oo ay jiidanayso Jabhadayntii uu kaga sad goostay mansabka Siyaasadeed ee uu ku Hantiyey xilka Maamul Beeleedka ee xiligan.

Waxaanu ahaa mid ku salaysan qori Caaradii inkasta oo uu kala kulmay Hungo iyo Guuldaro taariikhda gashay waxaana ka dhashay Hogaankii SSC iyo  Maamul goboleed la Magac baxay khaatumo State  Of Somalia kaasoo kor uqaaday Calankii buluuga ahaa ee ay Umada soomaaliyeed ku midaysnayd.

Waxaanu sahlay Maamulkaasi in uu si bilaa shuruud ah kula midoobaan  isaga iyo Beeshiisu Soomaalida kale isagoo cabasho awgeed 4sano ka dib wada hadal aan sabab lahayn ku Codsaday.

Waxaa haddaba aan Marna beelaha Dega Sool Sanaag iyo Cayn aan laga waayin caqli laga Amaahdo oo ay xiliga danbena ay Kuuli ka noqdaan natiijadiisa Markuu midho dhalo.

Waxaa iyana ah mid Nasiib daro ah Feker la aamin siiyiiy Adeegayaasha Beelahan  oo ah Koonfur iyo Waqooyi ayaa midoobaya ee adigu noqo kii wax ka midayn lahaa.

Hadaba aan hoos ugu daadego nuxurka Qormada iyo Sifaha cusub ee uu siilaanyo doorka mooday in uu ku hantiyi karo deegaanka gobolka cayn iyo Nawaaxigiisa.

Waxay noqotay mid aanu ka maarmi karin in uu dib ugu laabto siyaasadii Riyaale oo ahayd mid laga helay kalsooni lagu aamini karo gaar ahaan wadamada deriska sida ethiopia oo lahayd xiligaa mucaarad ay u samaysatay adeegayaal badan oo u sahla Danaheeda.

Bal isku day in aad Xasuusato la Wareegistii Gacan ku Haynteeda g/sool  xiligaasi waxa uu ahaa mid ay taagnayd cadaawad dawlada ethoipia cid kasta iyo meel kasta  oo loogu tilmaamo raadka  alshabaab iyo jabhadii onlf ka dibna ay u  fududayso cidii ay  is tiraahdo wax bay ka qaban kartaa taasoo noqotay dariiqii uu u maray  Gacan ku qabashada magaalada laascaanood Maamula somalilanad .

Sidoo Kale  mudadii guuldaradu ka raacday iskudaygii Qabashada buuhoodle ayuu maamulkaasi quus dabadii soo dhigay Barmaamij aan xiligan shaqaynayn kaasoo ah in Dilkii joogtada ahaa ee G/Sool ka socday ahaana mid aarsi ku salaysan laguna tilmaami jiray alshabaab ka hawlgasha lasanod Xarumana ku leh loo bedelay in ay Saldhigyadoodii ula Wareegeen caasimada g/cayn ee buuhoodle.

Sida hada aad la socotaan 3dii dil ee u danbeeyey kana dhacay Magaalada Lasanod waxay ahaayeen dhamaantood kuwo laga soo qorsheeyey hargaysa gacan saar buuxana La lahaa maamulka Somaliland kula wadaagay hogaamada alshabaab Waxaana xidhiidhkaa uga Wakiila ahaa Sida aan Warbixino Cad Ku soo Bandhigi Doono wasiirka m/tooyada Xirsi gaab Waxaanu Heshiiskaa la galay Hogaankooda sare ee Godane qorshayaasha heshiiskaasi way badan yihiin waxaanuna warbaahinta ku soo bandhigi doonaa cadaymo dhab Maamulka siilaanyo oo isbedel cusub oo gebo gebo ku dhaw ka dhamaystirtay  deegaamada buuhoodle iyo nawaaxigiisa.

hadaba waxan shacabka Maamulka Khaatumo State of somalia bulshadeeda ku dhaqan dal iyo debedba u Soo jeedinaya inay Ka feejignaadaan iskaashiga Maamulka Siilaanyo Iyo Dilalaka Kooxaha Alshabaab ku qudhaabta Ee Godane Hogaaminaayo oo ay soo adeegsadeen Maamulka Siilaanyo .

Qalinkii Qoraa Faysal Axmed Kaarshe Suxufiga weyn Ee Soomaliyeed

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Buuhodle/Cayn

Afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM