afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:37 pm | Posted by laascaanood

Xaflad Maanta Loo Qabtay Arday Iyagu Ka Qalin Jabisay Dugsiga Hanaqaad Ee Magaalada Laascaanood Bartayna Xirfado Kala Duwan Oo Kadhacday Magaalada Laascaanood(Daawo+Sawiro)

DSC07876Waxaa Maanta Kadhacay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta G/sool Xaflad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Iyagu Wax Kabartay Dugsiga Hanaqaad Ee Magaalada Laascaanood Kuwaas Oo Kabartay Xirfadaha Kala Duwan Sida Dawaarka,Cunta Karinta,Qalabka Guryaha Iya Waliba Xiisado Gaara Sida Caafimaadka,Xisaabta,Iyo Waliba Ganacsiga.

Ardaydan Iyagu Kaqalin Jabisay Dugsiga Hanaqaad Ayaa Tiradoodu Dhantahay 200 00 Arday Kuwaas Oo Iyagu Dhamaantood Yihiin Gabdho .

 

Ugu Horayn Xafladaasi Ayaa Waxaa Lagu Furay Aayadaha Quraanka Kariimka Iyadoona Aayadaha Kadib Hadalka Lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Dugsiga Hanaqaad Xaliimo Saalax Xasan Iyadoona Kawar Bixisay Xaaladaha Guud Ee Uu Dugsigu Soo Maray Iyadoona Siwayn Uamaantay Ardaydan Iyagu Maanta Xaflada Loo Qabtay Halkaas Uga Soo Jeedisya Ardaydan Qalinjabinaysay Hadalo Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dardaaran .

Ugu Horayn Waxa Uu Gudoomiyuhu Hadalkiisa Ku Furfurtay Taqwada Ale Iyadoona Hadalo Dardaaran Iskugu Jira Usoo Jeedisay Dhamaan Ardaydii 200 Ahaa Ee Iyagu Halkaas Maanta Ku Qalin Jabiyay Ugu Danbayntii Waxa Uu Gudoomiyuhu Uu Dardaaran Culus Udiray Ardaydaas Iyagu Maanta Wax Barashadoodii Dhamaystay Taas Oo Ku Aadanayn Inay Waxbarashada Sii Wadaan Aysana Halkaas Ku Dhaafin Kana Run Sheegeen Wixii Mudada 6 Ay Baranayeen.

Dhinaca Kale Waxaa Iyana Halkaas Hadalo Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dhiiri Galin  Kasoo Jeedisay Basra Cumar GeeleOo Iyadu Xubin Ka,ah Ururka Hanaqaad Ee Kajira Gudaha Magaalada Laascaanood.

Basra Ayaa Hadaladeeda Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dhiiri Galinta Kasoo Jeedisay Ardayda Hortooda Iyadoona Sheegtay In Waxbarashada Dhanka Gabdhuhu Ay Baryahan Danbe Soo Hagaagayso Iyadoo Awal Ay Ahayd Mid Aad Utaya Yar Sidoo Kale Waxay Ay Hadalo Dhiiri Galina Ujeedisay Dhamaan Ardaydii 200 Kudhawayd Ee Iyagu Halkaas Maanta Kuqalin Jabinaysay Iyadoona Usheegtay Inay Waxbarashada Sii Wadaan Isla Markaana Baraan Wixii Ay Barteen Dhamaan Jiilasha Soo Socda.

Dhanka Kale Waxaa Iyana Halkaas Kahadashay Macalin Cibaado Geele Oo Iyadu Qayb Wayn Kaqaadatay Heerarkii Ay Soo Mareen Ardaydani Mudadii 6bilood Ahayd Ee Ay Cilmigan Baranayeen   Halkaas Kasoo Jeedisay Hadalo Dardaarana Oo Ku Aadan Ardaydan Iyagu Maanta Waxbarashadoodii Dhamaystay Iyadoona Si Dheer Ugu Dheeraatay Muhiimada Ay Aqoontu Uleedahay Bulshadan Kudhaqan Gudaha Magaalada Iyo Waliba Dibadaba Sidoo Kalena Waxay Ardada Ku Boorisay Inay Sii Wadaan Wax Barashadan Ay Soo Wadeen Mudada 6bilood Ah.

Dhanka Kalena Waxaa Isna Halkaas Kahadlay Macalin Axmed Maxamed C/laahi Oo Isagu Ardaydaas Sii Sogootiyay Hadalo Dardaarana Usoo Jeediyay Iyadoona Ardaydan 200 Lagu Gudoonsiiyay Madashaas Shahaado Sharaf.

Waxaa Mahadaas Oo Dhan Iska Leh Hayada NPA Oo Iyadu Fulisay Mashruucan Isla Markaana Lahayd Fangaraynta Dakhligan Iyadoona Hayadani Ay Uwakiilatay Ururka Hanaqaad Oo Isagu Kamid Ah Ururada Aan Dawliga Ahayn Isla Markaana Madax Banaan Waxaana Ururkan Lagu Xusi Doono Wax Qabadyo Fara Badan Oo Uu Uqabtay Dadka Danyarta Ah Iyo Waliba Dadka Barakacayaasha Ah Ee Iyagu Ku Tabaalaysan Ee Kudhaqan Gudaha Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool.

 

Isku Soo Wada Duuboo Xafladan Maanta Kadhacday Gudaha Magaalada Laascaanood Kuwaas Oo Ay Ku Qalinjabinayeen Arday Dhan 200 O0 Kuwaas Oo Iyagu Kabartay Xirfadaha Kala Duwan Dugsiga Hanaqaad Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Kudhaqan G/sool Qaar Kamid Ah Ardayda Wax Kabarata Dugsigaas Iyo WalibaMasuuliyiin Katirsan Ururka Hanaqaad Ayaa Iyagu Dhamaantood Halkaas Kalmada Iskugu Jira Dardaaran Iyo Dhiiri Galin Uga Soo Jeediyay Ardaydaasi Iyadoona Ugu Danbayn Xafladaasi Ay Kusoo Idlaatay Jawi Aad Ugu Wanaagsan .

DSC07814

 

DSC07824

DSC07828

DSC07835

DSC07840

DSC07869

 

DSC07876

DSC07882

DSC07896

DSC07896 DSC07900

DSC07901

DSC07909

DSC07914

DSC07920

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM