afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:58 pm | Posted by

DHAGAYSO:-Maxaa Kasoobaxay Kulankii Maanta ay yeesheen Gudiga Ganacsatada Soomaalida Nairobi Iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya

Kulan ay soo agaasimeen ganacsatada xaafadda Islii oo uu ka soo qayb galay wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Kulanka ayaa looga hadlayay waxa ay dowladdu ka ogtahay qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaalida ah maaddaama uu goob joog ahaa wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Kenya.
Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culimada iyo ganacsatada xaafadda Islii ayaa sheegay inay jiraan dad dhac u gaysta hantida dadka, wuxuuna intaa raaciyay in dowladdu uu mas’uul ka saaran-yahay xuquuqda dadka dalka jooga.
Xildhibaanad Safiya Cabdi Nuur oo ayaduna goobta hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inaysan dadku uwada heshiin karin in dadka labarakiciyo, waxayna intaa ku dartay in arrintan lagu eegi doono il gaar ah islamarkaana intii karaankooda ah ay wax ka qaban doonaan.
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dowladdu aanay ka war-qabin howl-gallada ka socda xaafadda Islii, wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay laaluush kaga barteen dadka Soomaalida ah .

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay dadku soo qoraan Number-ka gaariga iyo askariga wax yeelleeyay waxayne sheegay in ay dowladdu wax ka qaban doonto arrintaas.

Halkan Kadhagayso Codka Kulankaas

SAWIRO 1SAWIRO 2SAWIRO 5SAWIRO 8SAWIRO 9SAWIRO 11SAWIRO 12SAWIRO 13SAWIRO 14SAWIRO 17SAWIRO 20SAWIRO 27 SAWIRO 29SAWIRO 31SAWIRO 35SAWIRO 43

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM