Gudiga Ganacsatada Soomaalida Nairobi Oo La Kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya
Gudiga Ganacsatada Soomaaliyeed xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa saakay kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaasi Yuusuf Xaaji oo ay kala hadleen howlgallo lagu dhibaateeyey Soomaalida oo laga sameeyey xaafadda Islii.
Sheekh Abuukar Jimcaale oo u hadlay Gudiga Ganacsatada Soomaalida Islii ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga sameeyey xaafadda Islii dhibaatooyin loogu geystay dadka Soomaaliyeed ee xaafadaasi ku ganacsada.
Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday ganacsatada iyo dadka Soomaalida ah ee xaafadaasi ku nool iney soo qoraan lambarada iyo magacyada askarta dhibaatada u geysaneysa iyaguna talaabbo ay qaadi doonaan cidii falkaasi lagu helo.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Dalka Kenya oo isaguna Munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed la doonayo iney muujiyaan xaqa ay ku leeyihiin dalka Kenya maadaama ay Soomaalidu deegan weyn ka degentahay Dalkaasi islamarkaasina aysan jirin cid xaqooda ku xad gudbi karta.
Si kastaba kulankan ka dhacay xaafadda Islii saakay ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan ayadoo dhinacyadii ka qeybgalayna ay isku afgarteen in si wadajir ah looga hortago dhibaatooyin kasta oo ku imaan kara ganacsatada Soomaaliyeed ee xafadaasi ku ganacsada.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Niarobi/Kenya
Khadra Cabdilaahi
Afbakaylenews@gmail.com