Maqaal:-Hanaqaad Laascaanood Amaan iyo Bogaadin.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena MUXAMED CSW korkiisa,cilmiga waa iftiinka nolosha midka diiniga koow sidoo kale aqoonta dunidda ayaa ah mid qiimo weyn u leh bini-aadaamka kuna anfacaadsanaa inta ama mudada kooban oo dunidan joogo(halka Diinigu yahay midka lagu liibaano If iyo Aakhiroba)Alloow naga dhig kuwii guusha hela maalinta xisaabta-aamiiin.
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab mudnaan gaar ah siiya arrimaha guusha ama faa’iidada u leh bulshoweynta lagana heli karaayo kobciin aqooneed,daryeel caafimaad,horumar iyo guud ahaanba wax-qabad qiimo leh,qalinkeeyguna yahay mid camal kheyr ka shaqeeyn,wanaaga fadhid iyo wacyi gelin heegan u ah cidna abaal kaga rabiin balse gudanaaya masuuliyada diineed iyo mida qarameed oo iga saaran dhulkeeygga hooyo iyo dadka ehelkeeyga ah (walaalaheeyga somaaliyeed)waxaan qormadan ku qeexaayaa ahamiyada iyo kaalinta qiimaha gaar ahaaneed leh ee Dugsiga Hanaqaad Lascaanood ooy shalay ka qalin jebiyeen ardey gaaraaya(200 Gabdhood)oo bartay xirfaddo kala duwan oo isugu jirra:- Dhar Tolidda(Harqaanka ama Dawaarka).
Cunto Kariinta Noocayo kala duwan ah.
Qalabka Guryaha(Qurxiinta).
Daryeelka Caafimaad.
Maadadda Xisaabta.
Habka ama Hanaanka Ganacsiga IWM.
Duruustaas iyo xirfadahaas ayaa ah kuwo siinaaya ardeydaas in eey shaqooyin ku sameeyn karaan kana heli karaan dhaqaale iyo daryeelka qoysaskoodaba,isla markaana u sii gudbin karaan haweenka kale oo baahidda u qaba barashadda farsamooynikaas Allah Mahad leh waxaana amaan iyo bogaadiinba mudan Gudoonka Dugsiga Hanaqaad Lascaanood iyo guud ahaanba Maamulka Hey’ada.
Hanaqaad waxyaabo badan ka qabata arrimaha bulshadda runtiina muujisay dadaal dheeraad ah si gaar ah daryeelka Haweenka iyo kodh u qaadidda aqoontoodda,wacyi gelinta iyo ka shaqeynta bilicda magaalada iyo howlo badan oo dhanka taakuleeynta iyo Caawinta dadka bara-kacsan iyo howlo kaleba.
waxaan halkan si gaar ah amaan,bogaadiin iyo taageeroba uga soo gudbinaayaa Gudoonka Hey’adda Hanaqaad,Gudoonka Dugsiga Hanaqaad Marwo Xaliimo Saalax Xasan Macaliin, Cibaado Geele, Macallin Axmed Maxamed C/Laahi iyo Marwo Basra Cumar Geele oo gudoonka Hanaqaad ka mid ah iyo cid walba oo gacan ka geeysateey waxbarashadda Gabdhahaas.
Hanaqaad taageero iyo dhiiri gelinba mudan waxaanu ku rajoweynahay in Jaaliyadda Qurba Jooga Reer Khaatumo gaar ahaan Haweenka kartida badaniyo dadaalka ku caanka ah eey mudnaan gaar ahaaneed siiyaan taakuleeynta iyo la shaqeynta Hey’adda iyo Dugsiga Hanaqaad.
Laascaanood iyo guud ahaanba adeegyadda bulshada degaamadda Khaatumo State(Hadalku ku dhan Dhulka iyo Dadkuba Abaal weyn Mudan Wallee Mudan)Fadlan Ogaada Heyadda Hanaqaad.
Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-sharifhassan50@hotmail.co.uk