Ogaysiis:- Mareeg Cusub oo Lamagac baxday www.yubbenews.com Oo hawada Sogashay
Dhamaan Dadka ku Hadla afka Soomaaliga ee ku Nool Daafaha Caalamka Waxaa Loogu Bishaaraynayaa Daahfurka Mareeg Ama Shabakad cusub oo la Magac Baxday. www.yubbenews.com
Mareegtan Cusub ayaa ah Mid ku Soo biirtay Mareegaha Afka Soomaaliga ku Hadla isla markaas na Baahin Doonta Wararka Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa Saacad Walba ,Daqiiqad Walba,Waxaad Kalood ka Heli Doontaa, Suugaanta, Hanbalyooyinka, tacsiydaha,Ra’yiga Dadwaynaha, Wacyi iyo Waano Xaga Diinta Islaamka,iyo Cilmibaaris Siyaasadeed iyo Aqooneedba inta ba.
Mareegtan cusub ayaa Noqonaysa Mid ka Madaxbanaan, Arimaha Soomaali kala irdheeyay ama kala fogayyay ee ay ka Kow Tahay Qabyaalad, Magaalo Ama Tuulo Jeclaysi, Mareegtan Cusub waxay xooga saari doontaa Hadii Eebe idmo , Arimaha Kala ah:
1-Dhiirigalinta Xaga Horumarka,
2- Falanqaynta Siyaasad Nadiif Ah ,
3-Waxbarashada,
4-Caafimaadka,
5- Faafinta Culuumta islaamka.
Mareegtan Waxaa Ka Mamnuuc ah Shakhsi Weerar,Isku Dir iyo Arimo Badan oo aan Saxaafada u Hooyo iyo Aabe Mid na u Ahayn.
Hadaba Waxaan si Sharafta leh uga Codsanaynaa Dadyawga Afka Soomaaliga ku Hadla Meel Kasta oo ay Joogaan in ay ku soo Dhawaadaan Mareegtan Qiimaha iyo Qaayaha
Xanbaarsan ee ku Soo biirtay Saxaafada Caalamka, Mar Walba Saacad Walba, Daqiiqad Walba ku Xidhnow yubbenews.com si Aad u Heshid Dhacdooyin iyo Warar ku Xiiso Geliya, ha Moogaan Inaad si Toos ah u Soo Booqatid, Barta Internetka Aan Ku Leenahay ee http://www.yubbenews.com