Sh.Axmed Madoobe oo shir Laqaatay Jaliyada Jubooyinka Ee Magaalada Nairobi(Daawo+Sawirro)
Gudoomiyaha ururka Raaskambooni ahna madaxa maamulka kumeelgaarka ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxames islaam(Axmed madoobe) ayaa shir balaaran ku qabtay magaalada Nairobi kaas oo ay kasoo qeyb galeen gabacsato, odayaal, mas’uuliyiin iyo waxgarad kale oo soomaaliyeed.Shirkan oo ahaa mid ufurnaa soomaalida oo dhan ayuu Axmed madoobe kaga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolada Jubooyinka gaar ahaan booqashadii wafdigii dowlada ay ku yimaadeen magaalada Kismaayo iyo kulamadii dhexmaray.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in wafdigii dowlada ay isafgarteen ayna ku casuumeen magaalada Muqdisho isagoo sheegay inuu casuumadaas aqbalay booqana doono magaalada Muqdisho halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dowlada.

Shirkan oo ahaa mid xogwaran ah ayaa mas’uuliyintii kasoo qeybgashay waxaa kamid ahaa Ra’isulwasaarihii hore ee Dowladii marxuum Cabdulaahii Yuusuf Cali Maxamed Geedi oo hadal kooban ka jeediyay shirka.
Odayaashii sidoo kale shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Khaliif Guure.
Inkastoo Dowlada iyo maamulka magaalada Kismaayo ay sheegeen in labada dhinac ay is afgarteen ayaa hadana wali waxaa jirta kala duwanaansho ku saabsan qaabka labada dhinac ay wax u doonayaan.


Sheekh Axmed madoobe oo hada ciidankiisu gacanta ku hayaan magaalada Kismaayo iyo inta badan gobolka Jubadda Hoose ayaa ah musharax utaagan qabashada hogaanka maamul goboleedka la damacsanyahay in laga hirgelinayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo