Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Bosaaso iyo Amaanka Puntland Oo faraha Kasiibaxaya..
Wararka ka imanya magaalada Boosaaso aya sheegayay in xalay Koox hubeysani ay weerar ku qaadeen,Hoteel Lagu Magacaabo Bana Rama oo ay ku sugnaayeen Wasiirada Ganacsiga,Amniga iyo Beeraha Maamulka Puntland.
Weerarkan ayaa la sheegay in kooxadani ay sitoos ah ugu qaadeen Hoteelka Wasiiradu ay ku sugnaayeen ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Illaa iyo hadda lama hayo faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha weerarkaas ka dhashay, Mana Jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkaasi. hase ahaatee waxaa loo badinayaa kooxo kasoo horjeedamuddo kororsiga Madaxweynaha Maamulka Puntland
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xalay sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Lagu weeraray Madaafiic iyo Gantaalo.
Waxaana weerarkani kusoo beegmayaa kadib markii maalin ka hor dagaal khasaar geystay uu ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso, kaas oo saraakiisha Maamulkaasi ay ku eedeeyeen inay soo qaadeen Ururka Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Garoowe/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com