Maleeshiyaadka Mahad Canbaashe Oo Saaka Ganacsade Axmed Cabdi Timir ayaa Badhtamaha Laascaanood Ku toogtay
Kooxo Hub
Kooxo hubeysan Oo katirsan ciimada Horgal Mahad canbaashe ayaa dhaawac culus ugu geysteen ganacsade si weyn looga yaqaano degaanaddan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Timir xili uu gaadhigiisa ku marayay bartamaha magaaladda laascaanood.
Sida uu qoob jooge ku sugan aaga falkan ka dhacay uu sheegayo in ciidan ka tirsan Maleeshiyaadka Ka amar qaata ciidamada Horgal Mahad canbaashe ayaa jid gooyo u dhigteen ganacsade axmed cabdi timir kadibna ay rasaas ooda oga qaadeen
Dhaawaca Axmed Cabdi timir oo ay ka dambeeyeen qaar kamid ah ciidamada Ilaalada Horgal Mahad canbaashe Oo isgu Ah ku u adeega Maleeshiyaadka Somaliland Ee gobolka sool kuwaas oo aan la aqoon sababta ay dhaawaca ugu geysteen Axmed Cabdi timir.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in aano qabiil Loo dilay Ganacsadahan Oo haatan Dhaawaciisa Lagu dabiibayo Cusbitaalka Magaalada Laascaanood.
Isla kooxdan ka tirsan ciidanka booliiska gobolka ayaa waxay habeenkii xalay guriga dhaceen haweeney islamarkaana ay rasaas ku fireen halkaasna ay dhaawac culus ka soo gaadheen
Kooxdan weerarka geysanaysa ayaa la sheegay inay isku heyb yihiin xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka somaliland oo lagu magacaabo Cabdi casiis Xuseen taarwale Oo lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood kaasoo aan Kooxo haybtoda Lagaranayn ay dhaawac Ugaysteen ayaa lasheegayaa in saaka loogu aaneeyay gacansadahan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xiligan ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka weerarka geystay saldhiga dhaxe ee magaalada laascaanood.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Fu,aad Karaama Jaamac
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com