Ganacsade Axmed Cabdi Timir oo lagu guulaystay qaliin lagu sameeyey Garoowe iyo ciidanka Somaliland oo ka danbeeyey weerarkiisa
Ganacsade Axmed Cabdi Timir oo dabley hubaysani maanta ku weerartay badhtamaha magaalada Laascaanood ayaa lagu guulaystey qaliin lagu sameeyey magaaladda Garoowe caasimada maamulka Puntland.
Axmed oo ay soo gaadheen Dhaawac madaxa iyo feedhaha rasaas ka gaadhey sababeen ayaa sida uu noo sheegay C/rashiid Askar Jaamac oo ka mid ah eheladiisa kuna sugnaa isbitaalka qaliinkan lagu sameey inuu nabad qabo kana badbaadey khatartii laga cabsi qabey.
Dhinaca kale dableydii falkani geysatey oo ciidanka Maleeshiyaadka SNM Oo ay hore uga amar qadan Jireen isu dhiibey ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidanka Horgal Mahad Canbaashe.
.
Falkani saaka dhacay ayaa waxaa ka horeeyey weerar habeenimadii xalay loo geystey haweeney ganacsadaha wallaalkii qabey oo iyadana la dhaawacay, ayna dhaawaceen laba askari oo iyagana la sheegay in ciidanka booliska Ee maleeshiyada SNM soo qabteen saakadii hore.
Labadan fal oo xidhiidhsanaa ayaa sida laga helayo ciidanka booliska salka ku haya siideyn damaanadeed oo maalinimadii shalay maxkamadi sii deysey haweeneydan la dhaawacay oo loo xidhay taakulayn falal argagixiso, oo ninka haatan dhaawaca ahi uu damiinatay.
Ilaa hada kama hadlin ciidanka Maleeshiyada Ama Saraakiisha Maamulka SNM Ee halkaasi Gacanta kuhaya , waxaana dad badani isweydiinayaan talaabada laga qaadi doono ragaan iyo kuwo kale oo dad isu soo baxay rasaas ku ridey kuna dhaawacay wiil yar isbitaalka Nugaal ee ku yaala badhtamaha Laascaanood
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Fu,ad Karaama jaamac
Afbakaylenews@gmail.com