afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:52 am | Posted by xudun

Puntland oo Doonaysay in ay Dhacdo Xildhibaanka Beesha Naalaye Ahmed ee Khaatumo

Ka dib markii uu xildhibaanadii Beesha Naalaye Ahmed ee Khaatumo uu baneeyey Siyaad Maxamuud Shire ayaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa uu ku badalay Xubin Khaatumo ah lana yiraahdo Cabdirashiid Axmed Warsame si ay u buuxiso booska Banaan isla markaasn uu u dardar galiyo Arimaha Fedraalka kaga xidhna Khaatumo ee ay ku foogan yihiin Xildhibaanaddu

Hase-yeeshee Maamulka Puntland oo horay u dhacay Saddex xildhibaan oo Khaatumo ah iyaga oo adeegsanaya shakhsiyaad Calooshood u shaqaystayaal dhalasho ahaaan Dhulbahante ah ayaa bilaabay Olale balaadhan si Xubinta Naalaye Ahmed-na ay u dhacaan waxana ka dhacay Garoowe iyo  Muqdisho shirar kale u duwan oo lagu maleegayo Mu’aamaradii lagu dhici lahaa xubintaas waxaana hawsha inta badan wada Saadiq Abshir Garaad

Saadiq Abshir Garaad oo horay uu Faroole ugu adeegsaday Saddexdii Xildhibaan ee uu dhacay oo marageedii ay mar hore Warbaahintu soo bandhigtay isaga oo Shilimaad Faroole ka qaadanayey ayaa hadana wada sidii uu dibin daabyeyn lahaa Khaatumo sidoo kalena waxa uu Sharafta iyo karaamadda ka dilayaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Saadiq  Abshir Garaad waxa shakhsi aad ugu jaban u Adeegidda Faroole isla markasna Aaminay in Cid aan Faroole ku tiirsanayn mooyee aysan cid kale Noolayn kari sidaas darteed wax kasta oo uu ugu dhawaanayo Abdirahmaan Faroole waxa uu jecel yahay in uu Sameeyo waxana uu Meheradda Garoowe kaga faanaa in Xildhibaanadda ka soo jeeda Dhulbahante eek u jira Puntland uu Faroole isaga ugu jecel yahay

Markii la helay warkan ah in Booskii Banaanaday ee Naalaye Ahmed uu Xurmadle Garaad Saleebaan Garaad Maxamed uu siiyey Cabdirashiid Ahmed Warsame si buuxda iyada oo ay Marag ka ahaayeen Saddexdii Isin ee Shirkii Soomaaliyeed kula waheliyey ka dib ayaa Saadiq Abshir Garaad iyo Kooxda Puntland waxa ay bilawday Olole weyn oo Booskaas uu u buuxin lahaa Shakhsi aan  aamisan Khaatumo isla markaasna la gala Dagaal Siyaasadeed oo aad u xun una dhago nugul cadawga Khaatumo

Saadiq Abshir Garaad oo gacan yare u ahaan jiray Garaad Saleebaan Garaad Maxamed intii uu Garoowe joogay ayaa haya Shaanbad uu Garaad Saleebaan ka guuray waxa uu Saadiq si suuq madaw ah u isticmaalayaa Shaanbadaas oo uu doonayo in uu Garaadka ku xumeeyo cida uu wato sidaas darteed ayuu si tuugonimo ah ugu dhuftay Faarax Cadaw oo Puntland dabo dhilif u ah

Madaxweyne Cabdinuur Biindhe oo Puntland u shaqaynaya

Cabdinuur Cilmi qaaje Biindhe waxa uu Madaxweyne noqonyaa 12/1/2013 waxaana la doonayaa in sanadguuradii Khaatumo iyo munaasabad weyn loogu qabto Bartihii Barakaysnaa ee Taleex balse waxaad moodaa in ay xaajadu taas ka duwan tahay oo Cabdinuur Biindhe uu damaciisa Siyaasadeed wali la jiro Garoowe uuna Hunguri ka hayo Daarashooyinka dhici doona

Buuxinta Booskan banana oo ay isku hardiyayaan Khaatumo iyo Puntland ayna kala wataan labadda qof ee midna uu sida sharciga ah yahay midna suuqa madaw uu ku jiro, Xubinta Saxda ah ee Cuqaashii Naalaye Ahmed u igmatay, Garaad Saleebaana u Wakiishay isla markaasna Xildhibnaadda Khaatumo ee  Fedraalku ay galbinayan si ay garab iyo gaashanba isku noqdaan ayaad moodaa in Cabdinuur Biindhe taas hareer maray uuna tooska ah ula shaqaynayo xubinta wadata Shaanbadda sharci daradda ah lagana wada Garoowe aamisana in wax Maamul Khaatumo ahi aysan jirin ! waxana la yaab leh labadan Arimood ee Madaxweyne biindhe sameeyey

  1. Waxa uu biindhe diiday in uu Xildhibaanadda Khaatumo iyo Isimadda Dhulbahanteba ula tago Jawaahiri si loo difaaco  in xubintan qofka uu Garaad saleebaan u mooye aysan cid kale gali, in dib loola soo noqdo 3 Xildhibaan ee dhawaan la dhacay waxase uu ku badalay in uu Dhalinyari aan Garaad quman lahayn iyo Shakhsiyaad cadaw ku ah Masiirka Khaatumo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaahiri ula tago kuna yiraahdo xubinta waxaa leh Shakhsiga Puntland wadato anoo Madaxweyne Khaatumo ah baana ka raali ah
  2. In dhaqaalihii yaraa ee dhawaan Dawladda Fedraalka ah siisay Khaatumo ee la doonayey in wax looga qabto daldaloolooyinka jiray in si cad 20,000$ u siisay Faarax cadaw oo Puntland xili ciidamadii dhawaan Weeraray Xudun ay halis ugu gali gaareen in Baabuurtu ay shidaal ka goosato, xili la waayey wax lagu Ururiyo Ciidamadda heeganka ah ee ku kala filiqsan magaalooyinka,xilli la la yahay wax lagu qabto Shirkii dhawaan Taleex ka dhici lahaa, xili la la shidaal uu Madaxwyen Indha sheel kaga soo baxo Buuhoodle uuna ku yimaado Saaxdheer iyo Aaga dhexe,waxaase isweydiinleh Muxuu Cabdinuur Biindhe ku badashay ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa sheega in Kooxda Garanley ee Garoowe iyo Cabdinuur Biindhe la wada hadalsiiyey oo hawshaas uu dhameeyey Faarax Cawad isla markaasna Kooxda Garanley ay u balan qaaday in Biindhe ay la soo hadalsiinayaa Cabdiraxmaan Faroole hadii uu ku hilba diriro xubinta Garoowe u wadato Buuxinta Booska Naalaye Ahmed ee Khaatumo

Guntii iyo Gabo gabadii

Waxaan doonayaa in aan ku soo afmeero qormadan waxa cad in Kooxda Garoowe ay doonayso in Xildhibaanadda Dhulbahante ee Fedraalka ay xubno ku yeeshaan sis ii jiritaanka Khaatumo uu gabaabsi noqdo isla markaasna dagaalka Siyaasadeed ee socda ay garab u weydo waxaana marag ma doonto ah sidii dhawaan Saddexda Xildhibaan loo dhacay iminkana la doonayo in lagu Afreeyo booska Naalaye Ahmed

Waxaan laga maarmaan ah Maamulka Khaatumo hadii ay noqon lahayd G10,Golaha Madaxtooyadda, Golaha Wasiiradda in ay si cad uga hortagaan arinka uu sameeyey Cabdinuur Biindhe oo cadeeyaan in xubinta ay Khaatumo u wadato Xildhibaankaas isla markaasna u gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka

Beesha Naalaye Ahmed oo ah Hoyga iyo Hooyadda Khaatumo una hurtay Naf iyo Maalba tabac badana galiyey sidii Reer Khaatumo ay u yeelan lahaayeen Maamul u gaar ah gudo iyo dibaddba waxaa la gudboon in waxgaradka beeshu ay ka hortagaan shakhsi iyaga ka soo jeeda oo kabo qaad u noqday Garoowe isla markaasna adhax jabiya Arimaha Khaatumo ee Muqdisho ka socda kuwaas isla markaasna uu Dhulbahante Barito Eersado

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM