Qaar Ka Tirsan Xubnaha Sar sare Ee Xisbiga Siyaasiga ah Ee Dadkan(People Party) Ayaa Kormeer Ku Tegey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Bay
Xisbiga siyaasiga ah ee dadka (People party ) oo dhowaan xarun ka
samaystay gobolka bay gaar ahan xaruntiisa baydhabo ayaa bilaabay dhaq
dhaqaaqyo uu kusii balaarinayo taageerada shacabka uu ka doonayo
islamarkaana deegaano kala gedisan oo ka tirsan gobolka bay ka wada
wacyi gelin .
Qaar ka tirsan xubnaha golaha sare ee xisbiga dadka (People party)
ayaa booqashooyin ku maraya deegaano ka tirsan gobolka bay kuwaasoo ay
kamid yihiin degmada bardaale ,qansax dheere iyo magaalada baydhabo ee
xarunta gobolka bay oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada F
Somalia
Sidoo kale xubnahan ka tirsanb xisbiga dadka (People party ) ayaa
sheegay inay dadka ku dhaqan gobolka bay gaar ahaan deegaanada ay
kormeerka ku mareen ay wax ka qaban doonaan adeegyada horumarineed ee
bulshada islamarkaana yididiilo ka muujiyey sida loogu soo dhoweeyey
deegaanaadis
Xisbiga siyaasiga ah ee dadka (People party ) oo sanadkii nasoo
dhaafay ka hana qaaday geyiga Somalia ayaa noqonaya xisbiga keliya ee
dadaalka ugu jira sidii uu taageero hiil iyo hoo ah uga heli lahaa
bulshada soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan
Si kastaba amuurtu ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo xisbi
siyasadeedyada ka jira dalka uu xafiis ka furto magaalada baydhabo ee
xarunta gobolkaasi bay tan iyo intii la yagleelay xisbiyada
siyaasadeed ee ka jira Somalia

