afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:02 pm | Posted by

DHAGAYSO;-Go,aamo Laga Soosarey Deegaamaynta Carowayn,Shir Maanta Isimadu Ku Yeeshen Xamar-laguxidh

Garaadada khaatumoWaxaa maanta go,aan laga soo saarey xaaladii deegaamaynta carowayn oo ay golaha dhaqanku isimada khaatumo ay go,aamo ka soosaareen magaalada xamar-laguxidh.

Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo.

Ujeedo: Gudoon Gole.                                                                                                                 07.01.2013.

 

Kadib markaanu u kuurgalnay xurguftii deegaan ee soo kala dhexgashay labada beelood ee walaalaha ah (Guuleed Garaad iyo Cali-geri Axmed).

Markaaanu xogaysanay gudigii reer Caymeed ee arinta hore u gashay.

Markaanu dhagaysanay labada beelood.

Markaanu tixgalinay wada-lahaanshaha  deegaanka.

Markaaanu eegnay halganka Dhulbahante ku jiro iyo baahida loo qabo midnimada.

Markaanu ognahay colaada maamulada Somaliland iyo Puntland ka hurinayaan Dhulbahante dhexdiisa.

Markaanu tixgalinay wada-noolaanshaha labada beelood iyo mustaqbalka dambe.

 

Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo waxay gudoomiyen:

  1. In Dhulbahante dalka wada leeyahay.
  2. In ilaalinta dalka Dhulbahante ay tahay masuuliyad wadareed saaran dhamaan tolka Dhulbahante.
  3. In labada beelood ee Guuleed Garaad iyo Cali-geri Axmed kala yagleelaan labo magaalo.
  4. In labadaa magaalo ay isu jiraan ugu yaraan 4 Km.
  5. In tolwaynaha Dhulbahante ay labadaa magaalo ladagaan labadaa beelood.

 

WabiLaahi Towfiiq.

Gudiga Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo.

  1. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.
  2. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
  3. Suldaan Siciid Cismaan Cali.
  4. Garaad Saleebaan buraale Ow Aadan.

Halkan kadhagayso Go,aanka Garaadada Maanta

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM