afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:48 am | Posted by

Dhagayso golihii deegaanka ee degmada Horufadhi oo lagu dhawaaqayiyo Madaxweynaha Khaatumo oo warbixin dheer ka jeediyey halkaas iyo baaqyo,{Dhagayso}.

indha sheelWaxaa maanta degmada horufadhi  ee ka tirsan gobolka cayn siwayn loogu soo dhaweeyey wafti balaadhan oo hogaaminayo madaxwaynaha maamulka khaatumo maxamed yusuf jaamac halac {indho-sheel} waftidan oo isugu jirtey wasiiro iyo agaasimayal.

Waftidan ayaa socdaal koodu ahaa sidii ay magaalada horufadhi ugu soo dhisi lahaayeen maamulka degmada oo ka kooban qaybtii booliska iyo dawladii hoose iyo gudoomiyihii degmada waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadley agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha maxamuud shiikh cumar waxaana uu yeedhay xubnaha loo magacaabey maamulka degmada.

Waxaana uu ku bilaabey sida tan.

Gudoomiyaha deg,maxamed xaaji nuux

Gudoomiye/xigen aadan maxamed xasan

Talyaha booliska ibraahim cali xasan

Xogyhayaha d/hoose axmed maxamuud xaashi

Xisaabiyaha degmada Qaasim maxamuud maxamed

Qasnajiga Degmada axmed cawil maxamuud

Cashuur Qaadayaal

axmed maxamed cali

axmed ibraahim jaamac

cabdi muxumed diiriye

Xubnaha Booliska

Cabsi carab cali

c/laahi cismaan cumar

xirsi jaamac cali

maxamed axmed maxamuud

fu,aad ibraahim cashuur

Intaasi ka dib waxaa goobta ka hadley wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalimiga ah saleeban xuseen xaaji axmed waxaana uu wasiirku uga hambalyeey dadka reer horufadhi sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyen waxaana uu ku booriyey inay dhaqaajiyan maamulka degmada.

Sidoo kale waxa yaguna madasha ka hadley xubno qurba jooga oo yagu waheliyey waftidan madaxwayanaha ee gaadhey horufadhi oo ay ka mid ahaayeen jaamac xasan cabdi jini iyo cali mass oo labdooduba waxaa ay siwayn u soo dhaweeyen maamul u samaynta degmada horufadhi waxaana dadka kula dardaarmen inay shaqeeyan.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay madaxwaynaha maxamed yusuf jaamac waxaana uu ugu horeyn ummahad celiyey dadwaynaha reer horufadhi sida wacan ee ay u soo dhaweeyen ee qiimaha badan waxaana uu kula dardaarmay inay dhaqaajiyan maamulka.

 Halkan Ka dhagayso Hadalka  Madax Waynaha 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM