afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:17 pm | Posted by

DHAGAYSO:- Maamulka Khaatumo Oo Cambaareeyey Falkii Shalay Lagu Dhaawacay Ganacsade Axmed Cabdi Timir & Falal Hore Uga Dhacay Magaalada Laascaanood

calanka khaatumoWasiir ku xigeenka wasaarada arimaha bulshada ee maamul goboleedka Khaatumo C/fataax Cismaan Dhalac oo shir jaraa’id ku qabtay degmada taariikhigaa ee Taleex ayaa ka hadlay falkii lagu dhaawacay maalinimadii shalay ahayd ganacsade Axmed Cabdi Timir oo kamida ahaa ganacsatada ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool oo kooxo hubaysani Oo katirsan Ciidamada Maleeshiyaadka Horgal Mahad Canbaashe ku dhaawaceen gudaha Magaalada Laascaanood maalimadii shalay ahayd.
Wasiir ku xigeenka ayaa dhawaajiyey in falkaasi lagu dhaawacay ganacsadaha ay ka dambeeyeen shakhsiyaad uu sheegay inay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta iyo ciidamada Somaliland ee gobolka sool isla mar ahaan taana ula jeedkoodu uu ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye inay isku diraan beeslaha walaalaha ah ee wada daga deegaankaasi.
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay fal dhaawac ah oo kooxo hubaysani ay ugu gaysteen Magaalada Laascaanood Cibaado Iidle Cali oo uu qabay ganacsade Axmed Cabdi Timir walaalkiisa oo lagu magacaabo Jaamac Cabdi Timir, isagoona wasiir ku xigeenku arintaasi cambaareeyey.

Hadalkani kasoo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha bulshada ee maamul goboleedka Khaatumo C/fataax Cismaan Dhalac ayaa kusoo beegmaya xili ganacsade Axmed Cabdi Timir ay xaalidiisa caafimaad tahay mid caadiya isla markaasna aysan jirin cid loo soo qabtay falkaasi lagu dhaawacay ganacsadaha.

Halkan Riix Oo dhagayso Hadalka Wasiirka

Wariye Abdirahman Wadani

Email axmedyare1001@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM