Musharax Cumar Yuusuf Cabdi Oo Utagan Jagada Dawlada Hoose Xaafada Kaamakuji Oo casho Sharaf Usameeyay Shacabka Xaafada islii(Daawo+Sawiro)
Kulan Balaadhan Oo ay kasoo Qayb Galeen shacab Waynaha Kudhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa Kadhacay Hoolka Shirarka Ee madiina Mall,Kulankan Oo uu sooqaban qaabiyay Murasharax Cumar Yuufus Abdi Oo utaagan Xilka Dawlada Xoose Ee degmada Kaama Kuuji Ee magaalada Nairobi.
Kulanka Oo ahaa Mid isbarasho ah Oo musharaxu Casho Sharaf Ugu Sameeyay Qaar kamdi Ah Shacabka Soomalida ah Ee kudhaqan Xaafada Islii Ee magaalada Nairobi ayaa waxaa Kasoo Qayb Sida Ganacsatada Somalida,Dhalinyarada,Waxgaradka Iyo Haweenka Magaalada Nairobi ee Somalida.
Kulanka ayaa Waxaa Ugu Hrayn Ka hadlay Maxamed Guutaale Oo ah Xoghayaha Gudidada ganacsatada Xaafada islii kuna hadlayay Afka Ganacsatada Ayaa Ka warbixiyay Halo badan Oo wax ku ool ah uu sooqabtay Musharaxan maanta utaagan xilka Dawlada Hoose Ee xaafada Demada kaama Kuuji
Mudane Guutaale ayaa ku dheeraaday inuu aad ugu farax san yahay inuu xilkan isu sootaago Musharax Oo uu sheegay inuu yahay nin kasoo bixikara xilka Uu doonayo islamarkaana ka codsaday inay dadka soomalida ah ugu deeqaan codkooda islamarkaana ay doortaan qof wax uqabanaya.
Dhankooda waxaa halkaasi iyaguna ka hadlay martisharaftii kulankan kasoo qaybgashay iyago ugu horayn umahad celiayay Cumar Oo ah musharaxa caawa casho Sharafta u sameeyay,iyagoo intaasi kudaray inay hiil iyo hoo labarbartaagan yihiin ayna siindoonaan codkooda.
Ugu Dambayntii waxaa kulankaas soogunaaday Musharax Cumar Yuusuf Cabdi Oo utaagan Xilka Dawlada Hoose Ee xaafada Kaamakuuji Isagoo kawarbxiyay Sababta kukaliftay inuu isoo sharaxo xilkan Maanta Uu utaaganyahay,Waxaana Uu sheegay Inuu markuu arkay Dhibka kajira xaafada islii uu Isu sootaagay Si,uu wax uga Qabto dhibaatada katagan Xaafada Somalidu dagte Ee kaamakuji Ee islii.
Waxaana uu ka codsaday dadka somalida ah ee kudhaqan Magaalada Nairbi inay Kutageran codkooda Islamrkaana Hadii Uu kuguulayto Uu Waxkasta Uu balan Qaaday Uu waxkaqaban Doo.
Isku soo wada Duuboo xiligan Musharaxan Uu caawa kuqabtay Xaflada Ayaa waxaa kusoo adaysaa xili dhawaanahan xaafada islii uu kasocaday ololaha Doorashooyinka dalka kenya,Waxaana Guud ahaan Dalka Laga Dareemaya Qaban Qaabada Doorashada dalkaasi.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Cadnaan saalax Maxamed
Afbakaylenews@gmail.com












