Ururka Suxufiyiinta Jubboyinka oo kulan qabtay iyo suxufiiyinta Khaatumo oo ka qaybgalay (Sawiro)
Ururka saxafiyiinta madaxa bannaan ee magacooda loo soo gaabiyo JIJA (Jubbaland Independent Journalist Association) ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa isugu yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,
wuxuuna kulankaasu ku soo beegmay xilli isbaddal lagu sameeyay maamulka sare ee ururka iyo guud ahaamba
qaab-dhismeedkiisa.
Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray saxafiyiinta ku abtirsada gobollada jubbooyinka iyo mas’uuliyiin ay kamid
ahaayeen agaasimihii idaacadda Horn Afrik ee magalada Kismaayo Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaanno
Axmed Calandhe iyo ku xigeenka madaxa tafaftirayaasha bariga Africa ahna xoghayaha guud ee tababarrada
ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ Maxamed Gaarane Aadan, madaxa TV-qaranka ee
Nairobi Maxamed Axmed Ilkacase, Agaasimaha TV-ga Royal TV Sucaad Mire Maxamed, Saxafiyiin ka socotay gobollada Bay iyo Bakool, Puntland, Khaatumo State, Ximan iyo Xeeb, Somaliland, iyo gobollada kale ee Somalia.
Kulanka ayaa ugu horreyn waxaa furay guddoomiyaha cusub ee ururka JIJA Aadan Maxamed Salaad Aadan
Kismaayo , wuxuuna ammaan u soo jeediyay saxafiyiinta jubbooyinka iyo sidii ay ugu soo dhabar adaygeen xaaladihii kala gaddisnaa ee uu gobolku soo maray, Aadan kismaayo ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshaha ay dowladda Somalia uga howl galinayso idaacadaha gobollada jubbooyinka.
Guddoomiyaha ururka JIJA ayaa ballan qaaday in wax badan laga qaban doono xaaladda saxafiyiinta gobolladaas, wuxuuna intaa ku daray inay wali jiraan saxafiyiin kale oo dhibaato ku qabo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.
Axmed Maxamed Aadan ” Axmed Calandhe” ayaa asaguna soo dhaweeyay isbaddalka lagu sameeyay hoggaanka ururka JIJA, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay saxafiyiintii muddo hore isugu dambaysay inuu mar kale arko ayaga oo ku midaysan urur kaliya, wuxuuna intaa raaciyay in ururku uu noqdo mid horumar iyo kala dambayn u keena saxaafdda Jubbooyinka.
Mr Axmed ayaa aad ugu dheeraaday wakhtiyadii saxaafadda Jubbooyinka iyo hadda maanta halka ay taallo, wuxuuna sheegay wax walbo oo la soo maray inay maanta habboontahay in fadhiga laga koco oo wax laga qabto xaaladda saxaafadeed ee gobolladaas.
Kuxigeenka madaxa tafaftirayaasha bariga Africa ahna xog-hayaha guud ee tababarrada ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyee ee NOSOJ Maxamed Gaarane Aadan, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururka JIJA, wuxuuna sheegay inuu yahay mid kamid ah ururrada ugu cimriga dheer dhinaca saxaafadda Soomaalida.
Maxamed Gaarane ayaa ku ammaanay JIJA wakhtiga ay soo jirtay iyo wali sida ay isugu xiranyihiin wariyayaasha ka howl-gala gobolladaas, wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay madaxda iyo maamulka ururka saxafiyiinta madaxa bannaan ee JIJA.
Ururka JIJA ayaa ka duwan dhisma ahaan sida ay u dhosanyihiin ururrada kale ee Soomaalida, waxaana arrinkaas sharraxay Maxamed jaamac Faarx-Barre, oo marti sharaftii hortooda ka akhriyay qaabka cusub ee loo dhisay ururka JIJA, wuxuuna MJ Faarax uu sheegay in qaabkan ay ka doorbideen sidii hore ee wax lagu maamuli jiray.
Maxamed Jaamac Faax-Barre ayaa sida u sheegay dadkii lamagaacay ” Ururka waxaa ugu sarreyn doona xog- hayaha guud, waxaana xigi doona guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa” ayuu sheegay MJ Farax
Mahad Cumar Diiriye-xoghaynta guud
Aadan Maxamed Salaad Guddoomiye
Kaafia Maxamed
Maxamed Xaashi Tawakal. Xog-hayaha dhaqaalaha
Khadar Maxamuud Xareed. isku xiraha sadeda gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe, iyo Gedo.
Maxamed Gaarane Aadan. U qaybsamaha arriimaha dibadda
Maxamed Jaamac Faarax-Barre. Madaxa xorriyatul qowlka iyo xuquuqda aadamaha.
Intaas waa qaab dhismeedka cusud ee ururka JIJA, waxaana qorshahaas isku raacay dhammaan saxafiyiinta ururka JIJA.
Saxafiyiintii kale ee goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Maxmed Axmed Ilkacase oo ah agaasimaha TV-
ga qaraanka Soomaaliyeed ee Nairobi, wuxuuna aad u taabtay dhibaatadii saxaafadeed ee ay gobolladaasi soo mareen intii ay ku jireen gacanta Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in hadda laga gudbayo arrinkaas.
Jaamac Yuusuf Jaamac oo ku magac dheer Jaamac Deberaani oo ka socday TV-ga Somali Channel ayaa sheegay
in saxaafaddu ay caadaysatay inay warar been ah ka qorto gobolladaas, wuxuuna uga digay inay joojiyaan wararka been abuurka ah ee laga faafifiyo goobo aanay waxba ka jirin.
Kulanka Ururka Saxafiyiint ee JIJA ayaa imaanaya xilli isbaddal lagu sameeyay maamulka iyo qaab- dhismeedka guud ee ururka JIJA, waxaana imminka uu u diyaar garoobayaa ururka sidii uu gacan muuqata uga gaysan lahaa gudaha gobollada uu ku magacaabanyahay.











